4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
DANJIRE AFEY: Haddii Puntland aysan Ogolaan lahayn 4.5-ka dalka doorasho kama dhici lahayn


Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) — Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa soo dhaweeyay heshiiskii Dowladda Federaalka Somalia iyo Puntland ay ku gaareen dhawaan Garoowe, isagoo sheegay in heshiiskaas uu horseedayo inay Somalia ka dhacdo doorasho.

Danjire Afey ayaa sheegay in heshiiskan uu tilmaam buuxda u yahay in Somalia ay ka gudubto wixii sannadkan ka dambeeya nidaamka 4.5-ka, kaasoo uu xusay in Puntland ay horay u diidday, balse maslaxad awgeed ay u ogolaatay.

“Heshiiskii Garoowe lagu saxiixay muhiimaddiisa waa in Puntland ay kusoo biirto hanaanka doorashada ee sannadkan 2016-ka, marka hore way diidday, laakiinse sababo badan oo aan garawsannay awgeed ayay nidaamka 4.5-ka mar kale dib u ogolaatay Puntland, Somali badan ayaa diidanaa nidaamkan,” ayuu Afey yiri.

Sidoo kale, Danjire Maxamed Afey ayaa xusay in sababta Puntland ay markii hore u diiday nidaamkan ay ahayd in Shirarkii Magaalada Garoowe lagu qabtay sanadkii 2012-kii la isla gartay inaan nidaamka 4.5-ka lagu soo celin dalka, sababtaas ayayna ku diiday nidaamkan.

“Waxaa noo muuqata in haddii Puntland sannadkan aysan doorashada ka qayb-gelin, in mustaqbalka Somalia uu mugdi geli lahaa, sidaas awgeed aanay dhici karin doorasho,” ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Heshiiskii ay Dowladd Somalia iyo Putland todobaadkan ku kala saxiixdeen Garoowe ayaa waxaa damaanad ka ahayd dowladda Itoobiya, iyadoo qodobbo ka mid ah heshiiskan uu dhigayo inaan mar kale la istimcaali karin nidaamka 4.5-ka ah.

Ugu dambeyn, Ergayga IGAD ee Somalia ayaa xusay in doorashada Somalia ee sanadkan wixii ka dambeeya aan lasoo celin doonin nidaamkan, sidaa darteedna ay qorsheynayaan in laga shaqeeyo sidii Somalia ay uga dhici lahayd doorasho Qof iyo Cod ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya