4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Gudiga gurmadka Abaaraha Jubaland oo qeylo dhaan ka muujiyay abaaraha ka jira deegaanada Jubooyinka
Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL) —Guddi ka kooban wasiirro, ganacsato iyo aqoonyahanno uu madaxweeynaha Jubaland dhawaan u saaray gurmadka abaaraha Jubooyinka ayaa qeylo dhaan ka muujiyay abaaro ba'an oo ka jira deegaano ka tirsan Jubooyinka, kuwaa oo saameyay nolosha dadka iyo duunyada.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Max'ed Warsame Darwiish oo ah gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha Jubaland ayaa sheegay in abaaro ba'an ay dhufteen qeybo badan oo ka tirsan Jubooyinka, isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay gobollada Gedo iyo J/hoose.

Masuulkan ayaa sheegay in gobolka Gedo ay dad badan halis ugu jiraan in biyo la'aan darteed ay u geeriyoodaan, sidaa si lamid ah wuxuu xusay in degmada Afmadow iyo deegaano dhowr ah oo ku teedsan ay iyaguna ka jirto abaar iyo biyo la'aan, wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya, hay'adaha samafalka iyo qurba joogta Soomaaliyeedba in ay gacan ka geeystaan sidii loogu gurman lahaa dadkaasi dhibaateeysan.

Max'uud Sayid Aadan oo xubin ka ah gudiga ayaa sheegay in xoolo badan ay u le'deen biyo la'aanta, dad badanna ay kasoo barakaceen deegaanadooda, halka qaar kale oo badan oo ka fog degmooyinka biyaha laga heli karana uu sheegay in ay halis ugu jiraan dhimasho, maadaama aysan heysan buu yiri biyo islamarkaana aan wax gurmad ah la gaarsiin.

"Hay'adaha samafalka waxaan leeyahay dadkan hadda dhibaateeysan haloo gurmado, hadhow mar dadkii baaba'een gurmad wax ma tarayo," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Gudiga ayaa ka codsaday bulshada Soomaaliyeed ee wax heeysata in ay usoo gurmadaan dadkooda, iyagoo sheegay in naxariista Alle ay marwalba furantahay loona baahanyahay marka dhibkan oo kale uu dhaco in dadku isu gurmadaan.

Abaaraha ku dhuftay dalka ayaa saameeyay nolosha dad iyo duunyaba, walow deegaano badan oo dalka ka tirsan ay ka socdaan gurmad loo fidinayo dadkaasi, ayaa hadana deegaanada Jubooyinka dadka ay abaaruhu ku saameeyeen waxay halis ugu jiraan in ay oon u le'daan, maadaama uusan jirin gurmad ku filan oo ay ilaa imika dadkaasi heleen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.