4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2016
Daadad Kufatahay Awdal oo Dad Dhawr ah Kudilay

Khamiis, Abriil 07, 2016 (HOL)-Daadad ayaa kufatahay qeybo ka mid ah gobolka Awdal kadib roobab mahiigaan ah oo halkaa ka da'ay. Ugu yaraan dhawr qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyay gobolkaasi Awdal.

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ilaa tobaneeyo qof oo kale loo gurmaday oo laga soo badbaadiyay daadadkaas. Daadadka ayaa saameeyay hoteelo iyo meelo kale oo lagu nasto oo kuyaala magaalada Dila ee gobolkaasi Awdal. Dad badan ayaa sida la sheegay waxay fuuleen geedo dushood si ay uga badbaadaan daadka.

Daadadkaa ayaa sidoo kale burburiyay hanti aan ilaa hada la garan inta ay ku kacayso isla magaaladaasi Dila.

Roobabkaan ayaa yimid xilli qeybo badan oo Soomaaliya ah ay ka dhaceen abaaro dad iyo duunyaba ay ku le'deen.

Meelo badan oo katirsan dhulka Soomaalida ayaa robab ay dhawaan ka curteen daadadna ay kufataheen sida ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya gaar ahaan caasimada Jigjiga.  

Qore: Aaden Maxamed Warsame
[email protected]