4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2016
Maamulka Khaatumo oo shaaciyay inay Xiriirkii u jareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya


Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL) — Maamulka Khaatumo ayaa Maanta shaaciyay in xiriirka ay u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu saameyn culus ku yeeshay heshiiskii ay Xukuumadda Somalia iyo maamulka Puntland ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaaladda Garoowe.

Kulan ay Mas’uuliyiinta Khaatumo ku yeesheen Magaalada Buuhoodle, ayay kaga hadleen heshiiskii ka dhacay Garoowe oo ay ku sheegeen inuu yahay mid gaf looga galay shacabka ku nool Gobollada - Sool Sanaag iyo Cayn, sida ay ku sheegeen War-saxaafadeed ay kasoo saareen shirkooda.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galayr oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay muddo dheer ay isku dayeen in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud Masiirka ummadda ay metelaan, balse way ka dhego-adaygeen.

“Heshiiska labada wiil ee ilmo adeerka ahi - ay ku galeen Degmada Garoowe oo Dowladda Federaalka iyo Puntland ay ku matalayeen, waa mid ummadda Soomaaliyeed u horseedaya bur-bur, waxaana leeyahay - Balaayo daaman la qabtay leedahaye dabo la qabto ma lahan,” ayuu yiri Galayr oo intaas ku daray in wixii ka dhasha kooxaha kaalmaynaya ay ku adkaan doonto xal ka gaaristooda.

Sidoo kale, Galeydh ayaa ugu baaqay bulshada reer Khaatumo, inay isku tashadaan, isgaoo dhinaca kale sheegay in hawsha u taalla ay tahay dagaal ayna xoreynayaan deegaannada ay Somaliland ka haysato.

“Warkeygu wuxuu ku eg-yahay Dawladda Xamar cilaaqaadkii ayaanu ka jarnay, Puntland-na awalba khayr badan nooma dhexayn,” ayuu Prof. Cali Khaliif Galaydh hadalkiisa kusoo Gunaanaday.

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka Khaatumo ayaa waxaa keenay, kaddib markii Puntland Qalinka loogu duugay inay Magacaabaan Xildhibaannada beelihii dhistay Puntland, taasoo bannaanka ka dhigtay Maamulka Khaatumo in ay soo xulaan cid u metesha labada Aqal ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lasoo dooran doono dhawaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool