4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2016
SAWIRRO: Wafdi ka Socda Masar oo ku yimid Hargeysa Safar lagu soo celinayo Xiriirkii hore


Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL) — Wafdi ka socda Waddanka Masar oo uu Hoggaaminayo kaaliyaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar u Qaabilsan Afrika ayaa booqasho yimid magaalada Hargeysa, isagoo sheegay inuu la kulmi doonno masuuliyiinta dawladda.

Wafdigan oo ka kooban 12 xubnood, waxaa horkacayay, Danjire Idiris Mohamed, waxaana mas'uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ay kusoo dhaweeyeen Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Sidoo kale, Wafdiga Masaarida waxa kale oo xubno ka ah Danjireyaasha dalkaas u fadhiya Jabuuti, Kenya iyo siyaasiyiin ka socday wasaarada Arrimaha dibadda.

Idiris Mohamed, ayaa sheegay in Somaliand iyo Masar ay wada lahaayeen xiriir dheer, taas oo loo baahan yahy buu yidh in dib loo nooleeyo.

“Labadda shacab waxay wada lahaayeen taariikh dheer, waxaana dib u soo celin doonnaa Taariikhdaas, waxaan Somaliland ku hambalyeynaya nabada ka jirta,” ayuu yiri mas'uulka hoggaamiyaha Wafdigaan Idiris.

Mar uu ka hadlayay ujeedadda ay u yimaadeen Somaliland, ayuu sheegay in ay doonayaan inay Mas'uuliyiinta Somalilnad is arkaan, isla markaana is-fahan ay wada-gaari doonaan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, Axmed Aadan Ismaacil (Axmed Kayse), ayaa sheegay in ujeedadda weftigan tahay sidii dib loogu noolayn lahaa xidhiidhkii labadda dal oo uu xusay inay ahayd mid facweyn.

“Ujeeddada Weftigan waxay tahay sidii iskaashi dhinacyo badan isku Waydaarsan lahayn, waxaana doonayna in aanu dib u soo noolayno xidhiidhkii labadda shacab ka dhexeeyey,” ayuu yidhi Axmed Kayse.

Wafdigan Masaarida ah ayaa inta ay ku gudo jiraan Safarkooda Somaliland, waxay kulamo la yeelan doonaan wasiirro, saraakiil ka tirsan xukuumadda iyo Madaxweynaha Somaliland oo ay kulan la yeelan doonaan gunaanadka booqashadooda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland