4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2016
Wafdigii RW Somalia oo ka Ambabaxay Maanta Degmada Garoowe ee Xarunta Puntland (SWR)

Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid iyo wafdi u Hoggaaminyay oo Puntland Hawlo-shaqo u joogay Toddobaadyadii lasoo dhaafay laguna kala saxiixdeen heshiis Taariikhi ah, ayaa maanta Muqdisho u soo dhoofay.

Wafdiga Ra'iisul wasaare Sharma'arke ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusii sagootiyay madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Puntland.

Madaxweyne, C/weli Gaas oo Saxaafadda la hadlay ayaa xusay inay jiraan shirar dambe oo laga sii Ambaqaadi doono heshiiskii Garoowe, kuwaasoo dhidibada loogu taagayo Dowlad Soomaaliyeed oo tayo leh, shirarkaas oo ka kala dhici doona Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Sidoo kale, RW Sharma’arke - ayaa isagana sheegay in ay guul ku dhammaadeen hawlihii Qaran ee ay Puntland u yimaaden, isagoo intaas ku daray in Garoowe ay heshiis Taariikhi ah ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka ah iyo Puntland.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha Puntland, ayaa isla qiray in dadka Soomaaliyeed uu ka muuqto biseyl siyaasadeed oo Somalia looga saari karo Awood-qaybsiga 4.5-ka oo lagu soo af-jarayo heshiiskii Garoowe lagu saxiixay.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya