4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2016
WARBIXIN: Hay’adda WHO oo Daaha ka Rogtay in Cudurka Macaanka uu ku kordhayo Caalamka


Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL) — Hay’adda QM ee caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka Macaanka ama Sokorowga uu gaaray heerkii ugu sarreeyay, iyadoo ku xustay warbixin ay soo saartay in ku dhawaad 11-ruux oo kasta uu ruux ka mid ahi cudurka macaanka qabo.

WHO waxay intaas ku dartay in sanadkii 2014-kii ay tirada dadka cudurkan qaba ay ahayd 422 Milyan oo qof, taasoo ah afar-jibbaar tiradii qabtay sanadkii 1980-kii, iyadoo intaas ku dartay in cudurkaan uu si aad ah ugu kordhayo waddamada soo koraya ee caalamka.

Sidoo kale, Hay’ada Caafimaadka Adduunka ayaa warbixinteeda ku xustay inuu macaanka uu sannadkii 2012-kii dilay dad tiradoodu ka badnayd 1.5 Milyan qof, iyadoo Hay’addu ku dartay intaas in dadka ugu badan ee cudurku uu dilo ay ku nool Wadamada reer Galbeedka.

“Cudurka Macaanka ama Sokoroowga - Waa kan dadka ku sababa dhimashada ugu badan, Waxaana baaritaanno dhawaan la sameeyay lagu ogaaday in sannad walba ay cudurkaan u dhintaan Dad tiradoodu lagu qiyaasay in ka badan 3.7 milyan qof caalamka oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda WHO, iyadoo raacisay inay tiradu ka badan karto intaas.

Warbixinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka, ayaa lagu sheegay in Raggu ay kaga badan yihiin Cudurkaan marka la eego Haweenka, sidoo kalena waddamada uu sida aadka ah ugu badanayo ay ka mid yihiin Waddamada faqriga ah iyo kuwa dhexe sida; Shiinaha, Hindiya, Indonesia, Bakistaan, Masar and Mexico.

Hay’addu waxay xustay in dadka qaba nooca labaad ee cudurka macaanka ee loo yaqaanno Type 2, ay da’doodu ka weyn tahay 35-sano, isla markaana uu ku soo baxo cudurka kaddib sannado badan oo uu jirkooda ku qarsoonaa.

“Sababaha keenta Cudurka Macaanka ama Sokorowga waa beer-yarada oo qayb ka mid ah hawlihii ay qaban jirtay joojisa, iyadoo qofku muddo dheer la noolaan karo Cudurka, balse aysan jirin dawo lagu baabi’in karo,” ayaa warbixinta WHO lagu yiri.  

Dhanka kale, WHO waxay intaas ku dartay in cudurkan uu yahay mid halis ah oo dadka uu ku dhaco ku keeni kara dhibaatooyin ay ka mid yihiin; inuu wadnaha is-taago, inay kilyuhu fariistaan, indho la'aan iyo kuwo kale oo khatar ah.

Ugu dambeyn, Hay’adda Caafimaadka Adduunka - ayaa ku talinaysa in laga shaqeeyo sidii looga hor-tegi lahaa cudurkan, iyadoo dadka qaba kula talisay inay cunaan dawooyinka loo qoro iyo inay cunnooyin dheelli-tiran oo nafaqo leh qaataan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya