4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2016
Ciidanka Somalia iyo kuwa Itoobiya ee Ciidanka AMISOM ka tirsan oo maanta galay Adan Yabaal


Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL) — Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan AMISOM oo is-garabsanaya ayaa goor-dhow la wareegay gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo ay maalmihii aynu kasoo gudubnay kaabiga ku hayeen.

Col. Maxamed Muumin Cilmi (Saneey), oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda FS hoggaaminaya ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee Ciidamada AMISOM ka tirsan ay si rasmi ah ula wareegeen Degmada Aadan Yabaal.

“Ma jirin wax iska-caabin ah oo aan kala kulannay Al-shabaab, waxaan filayaa in ay isaga baxeen markii aan kusoo dhawaanay, haatana ciidanka is-kaashanaya ayaa gacanta ku haya degmada,” ayuu yiri Col. Maxamed Saney.

Sidoo kale, Sarkaalka oo la weydiiyay inay shacabka degmada soo dhaweeyeen iyo in kale, ayuu ku jawaabay inaan taas weli la gaarin isagoo hadalkiisa raaciyay inuu sii socon doono hawl-galkan tan iyo inta Al-shabaab laga saarayo gobolka oo dhan.

“Waxaan degmada Aadan Yabaal gudaha u galanay saacadihii u dambeeyay, hawlgalkaana wuu sii socon doonaa,” ayuu mar kale yiri Col. Saneey oo ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo in shacabkii degmada ay weli halkaas ku sugan yihiin iyo in kale.

Col. Saneey ayaa xusay in Ciidamada AMISOM ee ay iska kaashadeen Qabsashada Aadan Yabaal ay ka yimaadeen Deegaanka Moqo-kori ee Gobolka Hiiraan, isagoo xusay in Hawl-galkan uu ahaa mid horay loo qorsheeyay.

Dhanka kale, Ciidammo kale oo ka tirsan kuwa Itoobiya ee AMISOM ayaa waxay iyaguna dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo la sheegayo inay ku wajahan yihiin degmada Cadale ee isla gobolka Shabeellada Dhexe.

Ugu dambeyn, Ciidamadaan ka tirsan AMISOM ee dhaq-dhaqaaqa wada ayaa la sheegayaa inay ka yimaadeen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud iyo deegano ku dhow-dhow, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin ka bixisteeda degmada Aadan Yabaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya