4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2016
Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU oo Maanta Doortay XOG-HAYE Cusub (SAWIRRO)

Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL) — Shirweynaha Xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed FESTU oo Maanta lagu qabtay Muqdisho, ayaa waxaa lagu Doortay Xog-hayaha Guud ee Xiriirka, kaasoo ay ku tartameen saddex Musharrax.

Murashaxiinta xilka ku tartamay ayaa kala ahaa; Maxamed Ibraahim Bakistaan, C/raxmaan Xasan Cumar iyo Cumar Faaruuq Cismaan oo ka maqnaa goobta ay doorashadu Maanta ka dhacaysay.

Doorashada ayaa waxaa ku guuleystay, Maxamed Ibraahim Baksitaan, iyadoo ay xafladdan Goob-joog ka ahaayeen; Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed - maanta loo doortay Maxamed Ibraahim oo hadal ka jeediyay hadal goobta Doorashada, ayaa u mahad-celiyay xubnihii doortay, isagoo ballan-qaaday inuu arrimaha shaqaalaha wax badan ka qaban doono.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS, Maxamed Mukhtaar oo goobta ka hadlay ayaa kula dar-daarmay mas’uulka la doortay inuu Wax-qabad muuqda la yimaado.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Maryan Macallin Isxaaq iyo Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Somalia ayaa bogaadiyay sida doorashada xoghayaha Guud ee Xiriirka Shaqaalaha Soomaaliyeed ay u dhacday, waxayna Mas'uulka la doortay u rajeeyay wax-qabad iyo hawl-karnimo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya