4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2016
SAWIRRO: Ra'iisul Wasaare Cumar oo la hadlay Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe

Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa la kulmay ardeyda Jaamacada Bariga Afrika Qayb-teeda magaalada Garoowe waxaana kulankan ku weheliyey xubno ka tirsan doawladda FS, Maamulka Puntland iyo Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda Bariga Afrika.

Maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika Qaybteeda Garoowe, Sheekh Maxamed X. Yuusuf ayaa kusoo dhaweeyey RW Cumar iyo Wafdigiisa Dhismaha Jaamacadda, isagoo sheegay in Jaamacadu ay ka mid tahay kuwa ugu faca-weyn Somalia, isla markaana ay soo saartay aqoon-yahanno iyo siyaasiyiin miisaan ku leh Soomaaliya.

Sidoo kale, RW Somalia ayaa khudbad ka jeediyey hoolka ay ardaydaas kusoo diyaariyeen Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika, isagoo faahfaahino ka bixiyay isbedellada nabadeed iyo hormarineed ee ka jira dalkeenna, gaar ahaan xilligan kala guurka, wuxuuna xusay inay Somalia ay hada gashay isbdedel baaxad leh, isla markaana khuseeya dhinacyada hormarka iyo nabadda.

RW Sharma’arke, ayaa ka Sheekeeyay Muhiimadda ay leedahay Waxbarashada, Wuxuuna xusay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Jaamacadda iyo sida Qiimaha badan ee loogu soo dhoweeyay. Isagoo Ardayda wax ka barta Jaamacada Bariga Afrika ku bogaadiyay inay ka dhabeeyaan hankooda ah inay guul kaga gaaraan Waxbarashadooda.

“Somalia waxay xilligaan gashay isbedel, waxaan galnay xili dalkeenu u diyaar garoobayo Doorashooyin. Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Somalia waxay diyaar u yihiin in ay wax Wada-qabsadaan taasoo horseedaysa isbeddellada aan rabno oo ay ka mid doorashooyinka dhowaan dhaci doona,” ayuu yiri RW Xukuumadda Federaalka Somalia.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaa ku daray. “Dawladda Somalia waxay ahmiyad siinaysaa sidii ay dhalinyarada Somalia u heli lahaayeen fursada ay leeyihiin oo la xiriirta hormarka, dib u dhiska iyo Nabadda Somalia, waayo waxaad la socotaan in xukuumadda aan hoggaamiyo u badan tahay dhallinyaro. Waxaa kaloo kaalin mug leh uga jira haweenka. Dawladdu waxay fursad siinaysaa Ardayda Aqoon-yahannada ah ee ka Qalin-jabiyay Jaamacadaha Somalia, waana qayb ka mid ah isbeddellada hormarineed oo aynu rabno inaan dalka ka hir-gelino.”

Khudbada RW Cumar uu jeediyay, kadib ayaa Ardayda Jaamacaddu waxay billaabeen inay su’aallo weydiiyaan, waxaana su’aalaha la weydiiyay ka mid ahaa sida ay doonayaan inay u Wajahaan Marxaladaha ay Somalia ku jirto, gaar ahaanna Doorashooyinka iyo sida looga gaashaaman lahaa dhibaatooyin ay keento Amaan-darro ka dhaca waddanka, maadaama ay Somalia weli argigixisadu saameyn ku leedahay.

Ugu dambeyntii, Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe, ayaa RW Sharma'arke Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke guddoonsiiyay Shahaado Sharaf ay ugu talo-galeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya