4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2016
Hay'adda Amoud Foundation oo fidisay Wacyiga u Gurmadka Dadka Abaaruhu ay Saameeyeen

Cabdixakiim Sheekh Mukhtaar iyo Mr. Maxamed Maxamuud Shoombe oo katirsan Amoud Foundation saakay mar ay shir jaraaid ku qabanayeen Taran Hotel, Nairobi

Sawir muujinaya waxqabadka Amoud Foundation
Sawir muujinaya waxqabadka Amoud Foundation
Sawir muujinaya waxqabadka Amoud Foundation
Sawir muujinaya waxqabadka Amoud Foundation
Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL)-Hayada samafalka ee Amoud Foundation ayaa ayadu bilowday olole ballaaran oo lagu taageerayo dadka tabaaleysan ee abaaruhu ku habsadeen ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.  

Hayadaan Amoud Foundation ayaa masuuliyiin ka tirsan ay shir jaraaid maanta ku qabteen Nairobi masuuliyiintaas oo kala ah Cabdixakiim Sheekh Mukhtaar oo ah wakiilka hayada u qaabilsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo Mr. Maxamed Maxamuud Shoombe oo ah latiliye arimaha baniaadminimada u qaabilsan Amoud Foundation haatana hawlo badan oo samata bixin ah ka wada meelo badan oo Soomaaliya ah gaar ahaan gobolada waqooyi.

"Waxaan ku qabanay shirkaan jaraaid Nairobi shirkaan oo loogu ololeynayo arimaha baniaadminimada gaar ahaan meelaha ay abaaruhu ka dhaceen ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo weliba Somaliland. Waxaa baryahaanba wareegayay guddoomiyaha hayada Amoud Foundation asagoo ka qeybqaadanayay gurmadka ka dhanka ah abaaraha kajira Somaliland iyo geeska Afrikaba. Sidaa daraadeed wuxuu bilaabay olole ballaaran. Wuxuu hada ka bixiyay jawaabo fiican oo dadku u riyaaqeen asagoo ka qeyb qaatay arimaha biyo dhaaminta".   Cabdixakiim Sheekh Mukhtaar ayaa sidaa yiri.

'120 booyadood ayaa ka qeyb qaatay biyo dhaaminta. Waxaa uu sidoo kale raashin u qeybiyay 800 oo qoys gobolka Awdal..Taasna Alle ayaa mahadeeda iska leh. Hayada Amoud Founation ayaa u istaagtay hawshaa anaguna halkaan ayaan u nimid inaan uga ololeyno ummada Muslimiinta ah iyo ummada Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba in ay deeq la gaaraan ummadaas dhibaateysan sababtoo ah ummadii waxaa gaartay dhibaato aad u ba'an'.   Intaa ayuu raaciyay Cabdixakiim Sheekh Mukhtaar.

Wuxuu kaloo sheegay in dhibaatadu tahay dhanka biyaha, daaqa iyo dhanka beeraha intaba. Wuxuu sheegay inay halkaan ujoogaan inay ummada baaq ujeediyaan si walaalahooda Soomaaliyeed ay wax u taraan ama wax uga qabtaan dhibaatooyinka hareeyay Somaliland iyo Soomaaliya oo idil.

Tan iyo 2011kii, Amoud Foundtaion waxay wax weyn ka qabatay abaarihii dalka Soomaaliya ka dhacay. Guud ahaan, Amoud Foundation ayaa waxay Soomaaliya ka caawisay arimaha caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha iyo weliba waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah nolosha gaar ahaan gobolada Hiiraan,  Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Baay, Bakool iyo Jubbada Dhexe iyo weliba Gedo.

Amoud Foundation waxay sidoo kale gacan ka geysatay adeeegyada caafimaad ee qeybta hooyada iyo dhallaanka ee Isbtaal Medina ee caasimada Muqdisho. Waxay gacan ka geysatay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada caafimaad ee haweenka la soo darista ee loo yaqaano iskufuranka. Isbitaalkaa Medina hayadu waa ay dayac tirtay.

Deegaanka Xaawo Cabdi ee Soomaaliya ayaa waxay sidoo kale hayadu gaarsiisay deeqo badan ayadoo sidoo kalena dhawaan halkaa ceel riig ah oo kuyaalay dayactirtay si dadka deegaankaa kunool oo dhami uga wada faaiideystaan.

Farriinta baaqa ah ee kuwajahan dadka Soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan ayaa shirkaasi jaraaid waxaa ugu dambayntii kasoo jeediyay Mr. Maxamed Maxamuud Shoombe, latiliyaha arimaha baniaadminimada u qaabilsan Amoud Foundation.

"Bismilaahi raxmaani raxiim. Waxaan halkaan ummada Soomaaliyeed ugasoo jeedinaynaa inay is gargaaraan oo dadkaas walaalaheen ah ee tabaaleysan loo gurmado oo aan loo kala harin. Soomaali waligeedba waa ay isgacan qaban jirtay oo isu gargaari jirtay; inay haatana u gargaaraan walaalaha dhibaateysan ee abaaruhu ku habsadeen; in la taakuleeyo oo la caawiyo wixii lagu taakulayn karo. Qofkii wuxuu kutaakuleeyo aan hayn inuu u qeyliyo ugu yaraan oo uu yiraahdo war dadka ha la caawiyo. Halaisu gargaaro; halaiscaawiyo; waxaa sidaasi kujirta danteena iyo danta jiilka soo koraya.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee iyana ku dhaqan magaalada Nairobi ganacsatada iyo wax garad fara badan ayaa iyaguna kubiiraya baaqaan; sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalkaan faraha badan ee ay kujiraan mujtamaca Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ee kusaabsan samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee xoolihii ay kasii dhammaanayaan ayadoo tiro dad ah la sheegayo inay u dhinteen abaaraha ku habsaday meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan.    

Qore: Aaden Maxamed Warsame
[email protected]