4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2016
C/WELI GAAS: Aqbalaadda Nidaamka 4.5 Waxaa ku jirta Danteenna iyo tan Somalia (DHAGEYSO)


Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay waxyaabihii ku qasbay in maamulkiisa uu ogolaado habka 4.5-ka, taasoo uu horay maamulkiisu u diiday, isagoo xusay inay ahay mid ay ku raadinayeen danta Soomaaliya.

C/weli Gaas oo shacabka Puntland kala hadlayay Telefishinka Maamulkiisa, ayaa sheegay in saddex qodob midkood ay ka dambeysay inay aqbalaan nidamaka 4.5-ka in lagu saleeyo doorashada sannadkan dhammaadkiisa dhici doonta.

“Waxaan doonayaa inaan idiiin sheego in saddex qodob midkood ay u qaadatay Puntland nidaamka 4.5-ka; kuwaasoo kala ah; (1) In Somalia aan ka go’no, (2) in Afarta sano ee soo socota aan ka harno geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, masiirka Puntland ay la wareegaan cid aan ehel u ahayn (3) Inaan galno heshiis u qalma Puntland kuna qotoma miisaankeeda siyaasadeed iyo doorka ay ku leedahay hogaaminta Somalia,” ayuu C/weli Gsas ku sharraxay saddexda qodob ee ku kalliftay inay aqbalaan nidaamka awood-qaybsi ee 4.5-ka ah.

DHAGEYSO: Khudbadda Madaxweynaha Puntland ee ku Aadan Aqbalaada 4.5-ka;

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in haddii ay qaadan lahaayeen mid ka mid ah labada qodob ee hore ay Puntland geli laheyd jah-wareer dhanka siyaasadda ah, iyadoo lagu jiro waqti xasaasi ah, isla markaana ay wiiqanto midnimada iyo wadajirka shacabka Puntland.

“Heshiiskan wuxuu caddeynayaa nidaamka foosha xun ee 4.5-ka inaanan mar dambe lagu saleyn doonin awood-qaybsiga Somalia wixii ka dambeeya 2016-ka, waayo waxaan hay-sannaa markhaati cad oo goobjoog ka ahaa heshiiskan,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhanka kale, C/weli Gaas wuxuu intaas ku daray in heshiiskii ay la galeen DF Somalia uu sare u qaadayo maqaamka yo miisaanka siyaasadeed ee Puntland, isagoo intaa ku daray in heshiiskan uu horseedayo in sannadkan 2016-ka ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho xalaal.

Ugu dambeyn, Hadalladan Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya, iyadoo habeen ka magaalada Garoowe ee xarunta Puntland lagu saxiixay heshiis ay Puntland ku aqbashay habka 4.5-ka ah oo uu maamulkaas horay u diiday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya