4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2016
Ergayga Midowga Afrika ee Somalia oo booqday Baydhabo lana kulmay Shariif Xasan (SAWIRO)

Arbaco, Abriil 06, 2016 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa shalay booqashadiisii ugu horeysya ku tagay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, wuxuu kula gaar ah la qaatay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan.

Danjire Madeira iyo Shariif Xasan, ayaa kulankooda uga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen; Amniga iyo qodobo kale oo muhiim ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia oo hadal kooban siiyay warbaahinta kulanka kaddib ayaa xusay in shirkii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Koonfur-galbeed ay diiradda ku saareen amniga iyo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha amniga ee AMISOM iyo maamulka Koonfur-galbeed.

“Baydhabo waxaan ku imid safarkeygii u horreeyay tan iyo markii aan xilka la wareegay… marka labaad waxaan kulmmo la qaatay madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Shiikh Aadan, taliyaha qaybta AMISOM ee halkaan ku sugan iyo madaxda qaybaha ammaanka, si aan uga xaajoonno horumarrada laga sameeyay Amniga iyo sidii caqabadaha jira aan uga gudbi lahayn,” ayuu ku yiri hadalkiisa Danjire Madeira.

Sidoo kale, Ergayga ayaa intaas raaciyay. “Waxaan kaloo ka hadalnay tababarka ciidamada maamulka KGS, taageerada qalabka, sidii aan isaga kaashan lahayn hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii aan hawl-galladaas u wada qorsheyn lahayn. Waxaana caqabadaha jira la kaashan doonnaa dowladda federaalka Somalia iyo weliba Beesha Caalamka.”

Ergayga Midowga Afrika, wuxuu hoosta ka xxariiqay in intii kulanku socday ay si gaar ah uga hadleen wada-shaqeynta ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda Somalia iyo ciidamada booliiska maamulka Koonfur-galbeed iyo hay’adihiisa Ammaanka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Saxaafadda hadlayay ayaa AMISOM uga Mahad-celiyay AMISOM Taageerada ay mar walba la garab-taagan yihiin Soomaaliya.

“Maanta, Waxaan wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Madeira oo noogu yimid booqasho kala hadalnay dhawr Arrimood oo ay ka mid ahaayeen; Amniga, gaar ahaan sidii miinooyinka looga bixin lahaa jidadka, sidii Al-shabaab aan uga saari lahayn Deegaannada ay weli gacanta ku hayaan iyo tababarka ciidanka Somalia. Innagoo uga mahad-celinaynaa AMISOM taageeradooda, Waxaana u rajeynayna in si guul leh ay hawl-galkooda Somalia ku dhammeystaan,” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan.

Ugu dambeyn, Baydhabo ayaa waxay saldhig u tahay qaybta saddexaad [III] ee Ciidamada AMISOM, gaar ahaan Ciidamada ka socda Waddanka Itoobiya oo ka Hawl-gala Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya