4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2016
Safaaradda Soomaaliya ay Kuleedahay Kenya oo Kulan Casho Sharaf ah u Qabatay Ganacsatada Soomaalida ah ee Nayroobi (SAWIRO)

Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Marti sharaftii kulankaa kasoo qeybgashay
Nayroobi, Abriil 6, 2016 – Safaaradda Xukuumadda Federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya- Nayroobi waxa ay xalay marti-gelisay casho-sharafeed looga hadlayey caqabadaha hor-yaalla iyo fursadaha ka jira maal-gashiga ganacsatada gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Xafladdaan casho waxa ka soo qayb-galay wakiillo ka socda ganacatada Soomaalida ee Nayroobi, wufuud ka socota Safaaradda iyo xubno ka tirsan Barnaamijka Soomaaliya ee Bangiga Adduunka.

 

Wakhtiga hadda lagu jiro, maqnaashaha ay meesha ka maqan tahay siyaasaddii loo baahnaa, iyo tabar-darrida hannaankii hay’adeed ayaa waxa ay ku keeneen dulduleello in si saani ah wax looga qabto kobcinta ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay. Iyadoo arrintan laga duulayo, waxa ay Xukuumadda Federaalka taageereysaa wada-hadal lala galo ganacsatada gaarka ah si meel looga soo wada jeesto dhibta hor-taagan ganacsiga.

 

Sidoo kale, waxay Xukuumaddu taageerysaa in la abuuro jawi saamaxaya maal-gashi u oggolaanaya ganacsatada gaarka ah ee Soomaalida inay ka gun-gaaraan fursadaha hor-yaalla iyo in ay ka qayb-qaataan hormarinta dalka.

 

Danjire Jamaal Xasan, Danjiraha Soomaaliya ee Keenya, waxa uu yiri: “ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay waa jaal/saaxiib muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalkeenna iyo sii ballaarintiisaba. Waxay un arrintani sii wanaajineysaa samaynta gole ay ku sii wada hadlaan macluumaadka muhiimka ahina isku dhaafsadaan ganacsatada iyo Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya si ay sida ugu habboon isaga kaashadaan iyadoo loo daneynayo dalkeenna, dadkeenna iyo saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya.”

 

Danjiraha waxa uu hadalkiisa ku daray: “Waxaan rajeynayaa in la helo fursado badan oo ay ku wada hadlaan ganacsatada iyo dowladdu; waxaanna ku faraxsanahay una mahad-celinayaa saaxiibbadeen hay’adaha hormarinta – si gaar ah kooxda la isku yiraahdo Bangiga Adduunka – ee taageeray golahaan.”

 

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxay kala shaqaynaysaa Barnaamijka Dib-u-habeynta Jawiga Maal-gashiga Soomaaliya ee Bangiga Adduunka sidii loo xoojin lahaa koboc dhaqaale iyo tartan ay hormuud ka yihiin ganacsatada gaarka ah iyadoo loo sii marayo dib-u-habeyno jawi-maalgashi oo bar-tilmaameedsan.

 

Iskaashigaan waxa uu si muuqata diiradda u saarayaa wada-hadalka ganacsatada iyo dowladda, fududeynta ganacsiga, adeegyada dowladda ee ganacsiga iyo dib-u-habeynta shati-bixinta.

 

Marti sharftii muhiimka ahayd ee kasoo qeyb gashay kulankaa isla markaana qaarkood meesha ay ka hadleen ama khudbado ka jeediyeen waxaa kujiray uqeybsanaha safaarada Soomaaliya ee Kenya dhanka ganacsiga Mudane Cabdullaahi Cusmaan Ismaaciil, Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul, Mr. Daahir Sheekh Axmed, Mr. Fatxudiin Maxamed, Marwo Deeqo Axmed Taar,  Mr. Cabdullaahi Maxamed (AMCO) oo kasocday ganacsatada xaafada Eastleigh, kooxda Baanka Adduunka, iyo weliba Safiirka Safaarada Soomaaliya ee Kenya Mudane Jamaal Xassan.

 

Gabagabadii kulanka ayaa la iclaamiyay in bisha xigta ee shanaad ee sanadkaan shanteeda la qaban doono wada hadal kusaabsan ganacsiga Soomaalida ee Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan ama waxa loo yaqaano afka qalaad 'symposium'.

 

Aaden Maxamed Warsame
[email protected]