4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2016
Maxkamada ICC oo laashay Dacwadii loo haystay Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto


Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL) — Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa ku dhawaaqday maanta inay laashay dacwaddii loo haystay Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, taasoo la xiriirtay Xad-gudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, laakiinse uu beeniyay inuu galay eedeymaha loosoo jeediyay.

Garsoorayaashii Maxkamadda ICC eee dacwadda qaadayay ayaa isku raacay in la baab’iyo eedeymihii loo haystay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto iyo wariyaha ay isla eedeysnaayeen ee Joshua Arap Sang.

Sidoo kale, Xaakinnada Maxkamadda Hague ayaa sheegay in sababtu tahay in fara-gelinno lagu sameeyay markhaatiyaashii ku marag-kici lahaa, sidoo kalena ay jirtay arrimo kale oo salka ku haya siyaasad, ayna tahay bay yiraaheen in dacwad kale oo cusub lasoo billaabo.

Magaalada Eldoret ee galbeedka Kenya oo uu kasoo jeedo Ruto ayaa dabaal-dagayo lagu soo dhaweynaya laalidda dacwaddii loo haystay ay mar keliya ka billowdeen markii lagu dhawaaqay go’aanka maxkamadda ICC.

William Ruto iyo wariye Joshua Arab Sang ayaa waxaa loo haystay inay ficillo dil, dad si qasab ah lagu barakiciyay iyo kuwo la caburiyey mas’uul ka ahaayeen, intii ay rabshadihii ka dhashay murankii doorashadii Kenya ka dhacday sanadkii 2007-kii socdeen.

Suxufiga Kenyaanka ah, Joshua Arap Sang oo madax ka ahaa Idaacad xaruneedu ku taallo Nairobi ayaa la laalay Dacwaddii loo haystay, kaddib dacwado sanado soo socday, isagoo si aad ah u soo dhaweeyay in dacwaddiisii la joojiyay.

Dhanka kale, Ruto ayaa laalida dacwadan la sheegay inay faa’iido ugu jirto, maadaama uu doonayo in mar kale la soo doorto iyadoo xilligaan gobollo ka tirsan Kenya ay ka socdaan ololayaasha doorashooyinka madaxnimo.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay go'aanka Maxkamadda ICC ku shaacisay inay joojisay dacwaddii loo haystay William Ruto iyo Wariye Arap Sang oo uu sheegay inay ahayd mid jah-wareer gelisay Kenya intii ay socotay.

Ugu dambeyn, Maxkamada Dambiyada Calaamiga ah ee ICC ayaa sidan oo kale u laashay bishii May 2015-kii dacwaddii loo haystay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, taasoo la xiriirtay inuu rabshado huriyay rabshadihii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya