4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2016
Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab oo Maanta ku Dagaallamay dulleedka Aadan Yabaal


Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL) — Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan inuu barqadii maanta uu ka dhacay dulleedka degmadaas dagaal u dhexeeya ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya Aadan Yabaal.

Wararka, ayaa intaas ku daraya in dagaalkan uu yimid kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay waddada u galeen gaadiid kolonyo ahaa oo ay ciidamadan wateen, kuwaasoo deegaanka Moqo-kori ee gobolka Hiiraan kazoo ambabaxay shalay.

Sidoo kale, Dad goob-joogayaal ah oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay inay maqlayeen Hugunka noocyada kala duwan ee Hhubka oo ay dhinacyadu Dagaalkooda u is-ticmaalayeen, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay dagaalkaan.

Deegaanno ku yaalla Gobollada Shabeellada Dhexe oo ay ka mid tahay Aadan Yabaal ayaa waxaa tan iyo saaka ka jiray dhaqaaq ciidan, iyadoo dadka deegaankuna ay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda.

Al-shabaab oo dagaalkan ka hadashay ayaa sheegtay in xoogagoodu ay gubeen laba ka mid ah Gaadiidkii dagaal ee ay wateen ciidanka Itoobiya ee AMISOM ka tirsan, inkastoo aysan jirin ilo wareedyo ka madax-bannaan oo hadalka Shabaab xaqiijinaya.

Dhanka kale, Ciidamada Itoobiya ee kasoo baxay deegaanka Moqo-kori oo qiyaastii 36-km u jira Degmada Aadan Yabaal, ayaa waxay tan iyo shalay wadeen Dhaq-dhaqaaq Ciidan oo ay culeys ku saarayaan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo degmadaas maamula.

Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in saraakiishii Al-shabaab ay degmadaas ka baxeen, inkastoo Al-shabaab aysan ka hadlin Arrintaan, waxaase weli ku sugan gudaha Degmadaas xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya