4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2016
DAAWO: Beerta Xayawaanka ama ZOO Australia ku yaalla oo loo ekeysiiyay Safari Park-ga Nairobi


Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL) — Beer lagu Xannaaneeyo Xayawaanka ama 'ZOO', loogu Magac-daray Safari Station oo ku taalla Magaalada Melbourne, Australia - ayaa waxaa loo ekeysiiyay Safari Park-ga ku yaalla magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya.

Beertaan - Zoo-gaan, ayaa waxaa ku dhex-yaalla Mudullo laga sameeyay caws iyo dhoobo, kuwaasoo ay caan ku yihiin Dadka Afrikaanka ah, Waxaana Zoo-gaan ku jira xayawaano u badan kuwa Qaarada Afrika laga helo, sida Geela, halka loogu talo-galay in Tigidhada laga iibsado ayaa iyana loo ekeysiiyay bas ama koryeri Wado aan hagaagsanayn ku dhiiqooday, kaasoo dusha ay ka saaran yihiin agabyo ay dadka Afirkaanka ahi caanka ku yihiin.

Sidoo kale, Zoo-gaan ayaa ku fadhiya dhul baaxad weyn, iyadoo ay soo dhaweeyeen Zoo-gan loogu Magac-daray Safari Station Dad badan oo Afrikaan ah oo ku Dhaqan Australia, kuwaasoo qaarkood sheegaya inay tani dib u xusuusisay Afrika.

DAAWO: Muuqaal ku saabsan Beertan - ZOO loo ekeysiiyay kuwa Afrika ku yaalla;

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia