4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2016
Daadad ku Rogmaday Xaafado JIGJIGA ka tirsan oo Sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan


Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 20-ruux ayaa dhintay, in ku dhow 100 ruux oo kalena way ku Dhaawacmeen, kaddib markii ay Daadad xooggan ku fataheen Qaybo ka mid ah magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Khasaarahaan nafeed, ayaa yimid kaddib markii xilli Habeen ah uu Magaalada ku Fatahay Doox weyn oo dhex-mara Jigjiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Is-mamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Dhaawacyada 100-ka qof ku dhow ee la dhigay isbitaallada Magaalada Jigjiga, ayaa waxay isugu jiraan Dadweynihii deggenaa hareeraha Dooxa fatahaadaan sameeyay iyo Ciidamadii badbaadinayay, sida ay mas’uuliyiinta DDS dalka Itoobiya ay u sheegeen Warbaahinta.

Wasiirka ka hor-tagga musiibooyinka iyo u diyaar-garawga dowlad-deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya, Maxamed Daahir Ismaaciil oo la hadlay VOA, ayaa sheegay inay jiraan Dad siddeed qof ah oo weli la la’ yahay nolol iyo geeri.

“Koley, dhibaatadaan waxaa sababay roobab habeen hore ka da’ay meel waqooyi-galbeed kaga beegan Jigjiga, waxaana gudaha degmada xilli 2:00 habeennimo ah oo ay dadku hur-dayeen dhex-faqleeyay daadad xooggan oo khasaare fara badan geystay,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Daahir.

Sidoo kale, mar uu khasaaraha ka hadlay ayuu sheegay inay maydadka 15-qof heleen oo ay aaseen, daadadkuna ay burburiyeen dhismayaasha qaarkood, halka kuwo kalena ay ka bad-baadeen. Wax sababay dhibaatadanna ay ahaayeen Daadadkaan ku rogmaday Magaalada.

“Ciidamada Liyuu Booliska, ayaa shacabka u gurmaday markii daadku ay qaybo ka mid ah Jigjiga ku fataheen, waxaana la bad-baadiyay 1220-qoys, waxaa sidoo kalena dhaawacmay 100-qof dad ku dhow, kuwaasoo ay qaarkood ciidamadii badbaada waday ahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka musiibooyinka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa xusay in shacabka ku dhaawacmay daadadkaan ay Tiradoodu ahayd 84-qof, laakiinse ruux ka mid ah uu Isbitaalka ku geeriyooday, halka 83-kii kalena la badbaadiyay, wuxuuna intaas ku daray in 14 askari oo ciidamadii badbaada waday ay iyana dhaawacmeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya