4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2016
KULAN lagu cambaareeyay Monitoring Group oo Magaalada Baladweyne lagu Qabtay (SAWIRRO)

Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL) — Kulan magaalada Beledweyne ay ku yeesheen qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa lagu dhaliilay shaqada kooxda Daba-galka cunno-qabateynta hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea Monitoring Group.

Xubnihii kala duwanaa ee ka Qayb-galay kulankan, ayaa ku eedeeyay kooxda inay Gudaha Somalia ka qabtaan sidda ay hadalka u dhigeen shaqo aan aheyn howshii loo idmaday, gaar ahaan waxay ku eedeeyeen in warbixinno aan sax aheyn ka qoraan Shaqsiyaad & Hay'addo qiimo ugu fadhiya bulshadeenna.

''QM waxaa ka codsaneynaa in Monitoring Group lagu koontaroolo howlaha ay ka hayaan Somalia, waxaa wax laga xumaado ah in ay sii daayaan Warbixinno aan sax ahayn oo lagu dhaleeceynayo Mas'uuliyiin, Hay'ado iyo Shaqsiyaad qiimo u leh bulshada Soomaaliyeed, ayuu yiri'' Aqoonyahan Khaliif Iidir.

Duniyo Daahir Dhicisow oo ka tirsan ururada haweenka gobolka Hiiraan oo iyana kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in Monitoring Group, looga fadhiyo oo kaliya inay ku ekaadaan siday tiri shaqada loo idmaday, kana feejignaadaan sii daynta warbixinnada sawirka qaldan ka bixinaya hormarka ka jira dalka.

''Annaga waxaanu u aragnaa warbixinnada is-daba-jooga ah ee kooxda Monitoring Group, kuwa lagu fool xumeynayo hormarka ka jirra dalka, dhibaatada ugu weynna waxaa ay ka jirtaa warbixinnada oo inta badan aan aheyn kuwo ku tiirsan ilo rasmi ah oo xog-ogaal ah, taasoo keeni karta in lagu dhibaateeyo shaqsiyaad iyo hay'addo aan wax danbi ah laheyn'' ayeey tiri Duniyo Daahir Dhicisoow.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah gobolka Hiiraan Axmed Warsame oo hadal ka jeediyay shirka ayaa xusay in QM looga baahan yahay daba-galka inta badan warbixinnada kooxda ah oo ah kuwa car-qalad ku ah Nabada iyo guud ahaanba Hormarka xilligan ka jira dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Shirka maanta lagu qabtay degmada Beledweyne ma aha kii ugu horreeyay ee noociisa ah, balse waxaa horay kulammo noocaan oo kale ah oo lagu dhaliilayo shaqada kooxda dabagalka cuqanabeynta hubka uga dhaceen magaalooyin ka tirsan Soomaaliya.

HADDABA; Halkan kasoo ROGO Warbixinta Monitoring Group - English Version:

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya