4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2016
Baladweyne: Shirka Dib-u-hishiisiinta Gobolka Hiiraan oo Galay Maalintiisii 3-aad (SAWIRRO)

Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL) — Waxaa Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ka socda maalintii saddexaad shirweynaha dib-u-hishiisiinta ee gobolka Hiiraan oo si rasmi ah u furmay 03-dii bishan Abriil.

Shirkan oo ay daah fureen duubabka ugu waaweyn gobolka Hiiraan oo ay dhinac kale ka qeyb-qaadanayaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka, xubno ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa lagu waddaa in muddada uu socdo ku wadda-hadllaan beellaha wadda dega gobolka si loo soo afjaro wixii khilaafaad ah ee jirra.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in shirkaan uusan ahayn oo kaliya mid ku ekaan doona gobolka, balse qorshuhu yahay in loo soo gudbo gobollada kale ee gobolka Hiiraan dariska la ah, si loo baahiyo nabada, is cafinta iyo dib-u-hishiisiinta.

Wajigii saddexaad ee shirka maanta ayaa looga dhawaaqay Guddiyo kala duwan oo Qayb ka noqon doona hab-sami u socodka howlaha shirka, waxaana gudiyada ka mid ah guddiga soo dhaweynta wafuud kala duwan ee lagu waddo in ay ku soo biiraan madasha shirka.

Nabaddoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo Gudiyadan kaga dhawaaqay shirkii maanta, ayaa sheegay inay jiraan wufuud kala duwan oo maalmaha soo socda la filayo inay Shirka kusoo biiraan, loona baahan yahay in loo diyaar-garoobo soo dhaweyntooda.

''Guddiyadu waxay muhiim u yihiin howlaha shirweynaha, waxaa jira wafuud kala duwan oo maalmaha soo socda kusoo biiri doona Shirkaan, kuwaasoo ka kala iman doona gudaha dalka iyo dibaddiisa, waana tan keentay inaan guddi gaar ah u soo saaro soo dhaweyntooda iyo dajintooda intaba,'' ayuu yiri Nabaddoon Axmed C/lle Jimcaalle.

Ugu dambeyn, Shirkan Dib-u-hishiisiinta ayaa imaanaya xilli wali jah-wareer uu ka taagan yahay qabsoomida shirka Jowhar ee dhismaha maamuka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe kaddib markii ay ku Gacan-seyreen ka Qayb-galkiisa Qaar ka mid ah Duubabka-dhaqanka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya