4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2016
Dowladda Jabuuti oo ka Musaafurisay Dalkeeda Suxufiyiin ka Tirsan BBC oo u Tagay Doorashada


Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL) — Xukuumadda Jabuuti, ayaa Waddankeeda ka Cayrisay suxufiyiin ka tirsan BBC-da, kuwaasoo u tagay sidii ay uga soo tabin lahaayeen lahaayeen Doorashada Madaxweynaha ee ka dhici doonta daba-yaaqada Todobaadkan aynu ku jirno.

Wariyeyaashaan, ayaa waxay Xukuumaddu xirtay muddo 16-saac ah, iyadoo intaas kaddib ka musaafurisay waddankeeda, sida ay sheegtay hay’adda BBC maanta, balse lama sheegin tirada suxufiyiintan laga eryay Jabuuti.

“Suxufiyiintaan waxay Jabuuti u tageen sidii ay uga soo tabin lahaayeen Warbixinnada ku saabsan doorashada madaxweynaha ee ka dhici doonta 08-da Abriil; waxaana lasoo eryay kaddib markii ay wareysteen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Murashaxa Mucaaradka uga qaybtaha doorashada,” ayay BBC-du sheegtay.

Dhanka kale, Xukuumada Jabuuti ayaan weli ka hadlin suxufiyiinta ay dalkeeda ka eriday, kuwaas oo la sheegay in la siiyay Warqadihii looga ogolaanayay sidii ay Waddankaas uga shaqeyn lahaayeen.

Sidoo kale, Doorashada Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa u taagan illaa lix murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xukuma dalkaas Ismaciil Cumar Geelle oo ku tartamaya magaca xisbiga aqlabiyadda Jabuuti ee UMP.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jabuuti Xukumayay tan iyo 1999-kii, makaasoo uu doorashadii madaxweynaha ee Dalkaas ka dhacday kaga adkaaday Madaxweynihii hore ee Jabuuti, Xasan Guuleed Abti-doon oo dalkaas Xukumayay tan iyo markii uu Xorriyadda ka qaatay gumeystihii Faransiiska Sannadkii 1977-kii

Geelle ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Madaxweynaha ee dalkaas ka dhacay sanadihii 2005-kii & 2011-kii, isagoo haatanna doonaya in uu Jabuuti xukumo Shanta Sannadood ee socota, inkastoo mucaaradku ay ku eedeeyaan inuu musuq-maasuqo doorashadooyinka.

Ugu dambeyn, Jabuuti ayaa lixdii Sano mar waxaa ka dhacda Doorashada Madaxweynaha, iyadoo Sannadkaan ay mucaaradka iyo muxaafidkuba dadaal ugu jiraan sidii ay hoggaanka dalkaas uu mid walba isagu u qaban lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya