4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2016
Shir Gar-gaarka Bani'aadamnimada ku saabsan oo Maanta ka dhacaya Geneva Dalka Switzerland

 

Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Geneva, Switzerland kasocda shir muhiim ah oo ku saabsan arimaha gargaarka baniaadminimada.

Shirkaa ayaa wuxuu kusaabsan yahay kala dhimanaanshiyaha arimaha gargaarka. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka socda ururada aan dawliga ahayn, QM iyo waliba wakiilo ka socda Bisha Cas iyo Laankheyrta Cas.

Hayadahaas ayaa waxay sidoo kale ka tashanayaan sidii loo dardar galin lahaa isla markaana loo nidaamin lahaa waxqabadka hayadaha gargaarka. Shirka ayaa waxaa looga maqsuudayaa kala duwanaanshiyaha asxaabta gargaarka fidisa ee caalamka ayadoo loo garawsaday inay tahay agab looga faaiideysan karayo in urur walba ururka kale waxa ka dhimman uu dhammaystiro.

Waxyaabaha qiimaha weyn ee qiyamka wanaagsan ee looga niqaashi doono shirkaan maanta kafurmay Geneva ayaa waxaa ka mid ah dhisida awoodaha waxqabad ee dadyowga iyo ururada aan dawliga ahayn ee maxaliga ah.

Waxaan meesha ka marnayn in loo baahan yahay in laga wada niqaasho isbaddal siyaasadeed oo caalamka ka dhaca isla markaana wanaag u baddala dhibaatooyinka haatan taagan ee ah qaxa iyo isdilka iyo dababka ka holcaya qeybo badan oo caalamka ah si dabadeed sare loogu qaado dhaqamada dhowra ama ilaaliya baniaadminimada ugu dambeyna in laga shaqeeyo sidii inta looga baxo gargaar fidinta loo daboolo baahiyaha jira intooda badan.

Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga  Caalamiga ah ee Hayadaha Iskaa Wax-u-qabsada Kushaqeeya ama International Council of Voluntary Agencies (ICVA).

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.