4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2016
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Heuge ayaa go’aan ka gaari doonta Dacwadda Ruto


Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Kenya William Ruto iyo Wariye Jushua arab Sang oo makamadda dambiyada calaamiga ah ICC ay ku eedeysay xad-gudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, ayaa maanta oo Salaasa ah waxaa go’aan laga gaari doono dacwadooda.

Qiyaastii 1200 oo qof ayaa lagu dilay qalalaase xigay doorashooyinkii 2007-dii lagu qabtay Kenya. Ruto ayaa iska fogeeyay eedaha ay ka midka yihiin dil, musaafurin iyo dhibaatayn dhanka qowmiyadda ah.

Sidoo kale, Qareennada difaacaya William Ruto ayaa sheegaya in dambiga loo haysto uu bari ka noqonaya kaddib markii marqaatiyaal muhiim ah ay isaga baxeen ama ay badaleen hadaladoodii hore.

Dacwad oogaha Maxkamadda ICC, Fatou Bensouda ayaa qirtay in markhaatiyada ka baxay ay kiiska ka dhanka ah madaxweyne ku-xigeenka ka dhigeen mid daciif ah, laakiin waxaay ku dooday in ay hayaan caddeymo ku filan oo ay ku sii wadi karaan maxkamadeynta.

Afhayeen u hadlay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ayaa BBC u sheegay in waxyaabo badan ay suuragal tahay in ay dhacaan.

Xaakimiinta ayey suuragal tahay in ay meesha ka saaraan dhammaan eedaha loo haysto Mr Ruto, oo waxaa laga yaabaa in ay waydiistaan dacwad oogayaasha in ay wax ka badalaan eedaha ama in ay diidaanba doodda kooxda difaacaysa Ruto sidaana ay dacwaddu ku sii socoto.

Ugu dambeyn, Sannadkii 2014, ayay dacwad-ooguhu waxay meesha ka saartay eedo kuwa Ruto oo kale ah oo loo haystay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, iyadoo ku andacootay in loo goodiyay markhaatiyaal taasi oo ku hogaamisay in ay badalaan markhaatikacooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya