4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2016
AMISOM: Saraakiil Shabaab ka Tirsan ayaanu ku Dilnay Hawl-gallo ka dhacay Shabeellada Hoose


Talaado, Abriil 05, 2016 (HOL) — Taliska AMISOM, ayaa ku sheegay War-bixin ay soo saareen maanta inay lix sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab ku dileen hawl-galo ay dhawr-kii casho ee lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.

Hawlgallada aan ku dilnay saraakiisha Al-shabaab muddo toddobaad gudhiis ah waxay tani ka dhigaysaa toddoba sarkaal, kaddib markii Axaddii lasoo dhaafay aan hawl-gal ku dilnay bay yiraahdeen AMISOM sarkaal ka tisran Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray, C/rashiid Bug-dube.

AMISOM ayaa waxay sidoo kale warbixinteeda ku sheegtay in lixda xubnood ee ay hawl-galladii u dambeeyay ku dileen lagu kala magacaabi jiray, Aadan Buulle oo ah taliyihii Al-shabaab ee deegaanka Leego, Sh. Maxamed Cali, ku xigeenkii taliyihii Janaale, Xasan Cali Doll, Taliyihii Amniyaadka Shabeellada Hoose, Abuu-Islam oo ah Yemeni u Sameyn jiray Al-shabaab miinooyinka dhulka lagu aaso iyo Sheekh Mansuur oo u dhashay dalka Kenya, isla markaana ahaa madaxa labaad ee tababarrada Al-shabaab.

“Kooxda Al-shabaab dagaalkeedu waxay u bedeshay ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq; haatana ma awoodi karaan inay ka hor-yimaadaan Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM,” ayuu yiri taliyaha qaybta koowaad ee AMISOM, Jen. Sam Okiding.

Ugu dambeyn, AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadooda iyo kuwa Dowladda Somalia ay ka sameeyeen deegaanka Jannaale Halw-gallo ay kaga nadiifiyeen miinooyin ay sheegeen in Al-shabaab ku aaseen deegaankaas, Taasoo ay ku sheegeen inay gaadiidku isaga gooshi karaan si caadi ah deegaanka Jannaale iyo deegaannada kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya