4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
Ciidammo Watay Diyaarado Dagaal iyo Xoogagga Al-shabaab oo dagaal uu ku dhex-maray J/Hoose


Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Ugu yaraan laba ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa lagu dilay kuwo kalena waa lagu qabsaday Dagaal xalay saqdii dhexe ku dhex-maray deegaanka Beer-xaani oo ku dhow Kismaayo ciidammo diyaarado watay iyo xoogagga Al-shabaab.

Wararka, ayaa sheegaya in ciidamada diyaaradaha watay oo aan illaa hadda la ogeyn dalka ay u dhasheen ay ahaayeen Ajaanib, kuwaasoo weeraray xero ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, halkaasna uu ka dhacay dagaal culus.

Sidoo kale, Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamadaan oo watay dhawr diyaaradood ay horay u wateen tiro aan cayineyn oo ka tirsanaa xoogaggii Al-shabaab ee ay weerarka ku qaadeen.

Dhanka kale, Iska-horimaadkaan ka sokow waxaa iyadana la sheegay inay jirtay duqeyn ay Diyaarado dagaal la beegsadeen xarumo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ku yaalla isla gobolka Jubbada Hoose.

Xilliyadii dambe waxaa soo kordhayay weerarada ay diyaaradaha dagaalka ka geysanayaan deegaannada maamusho Al-shabaab, kuwaasoo qaarkood lagu dilay tiro saraakiisha sare ee Al-shabaab ka tirsanaa, Waxaana qaar ka mid ah Duqeymahan mas’uuliyaddooda sheegtay Dowladda Mareykanka.

Ugu dambeyn, Illaa hadda Al-shabaab ka hadlin weerarka iyo duqeynta la sheegay in xalay lagu qaaday Ssaldhgyo ay ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo sidoo kalena uusan weli uusan ka hadlin Weerarradan Maamulka Jubbaland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya