4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha Jabuuti oo Maanta soo xiray ololihiisa doorashada Madaxweynaha


Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga UMP, Ismaaciil Cumar Geelle, ahna madaxweynaha Jabuuti ayaa maanta kusoo gunaanaday degmada Cali-sabiix ololahiisa doorshada ee gobollada waddanka Jabuuti.

Boqollal Shacab ah, ayaa maanta isugu soo baxay Magaalada Cali-sabiix ee Gobolka Cali-sabiix oo ay ka dhacaysay ololihii ugu dambeeyay ee doorashada Murashax Xisbiga UMP Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasoo uu kula hadlay shacabkii isugu soo baxay.

Xafladda xiritaanka ololaha Doorashada Murashaxa Xisbiga UMP, ayaa waxaa ka Qayb-galay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle - ahna Musharraxa Xisbiga talada haya, mas'uuliyiin ka tirsan xisbiga iyo dadweyne aad u fara badan.

Shacabkii isugu soo baxay Xarunta Gobolka Cali-sabiix, ayaa waxay halkaas ka muujiyeen taageerada ay u hayaan Xisbiga Aqlabiyada madaxtooyada ee UMP, iyadoo mas’uuliyiinta Gobolka Cali-sabiix oo halkaas ka hadlay ay sheegay in ay diyaar u yahiin sidii ay u garab-istaagi lahaayeen madaxweyne Geele.

Musharaxa xilka madaxweynaha ee Xisbiga UMP, Ismaaciil Cumar Geelle oo isagana kula hadlay goobta dadweynihii isugu yimid - ayaa sheegay in uu doonayo inuu dalka Hururmar gaarsiiyo dalka Jabuuti, gaar ahaan gobolka Cali-sabiix.

Ugu dambeyn, Doorashada madaxnimada ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 08-da bishan Abriil oo ku aadan Jimcaha soo socda, waxaana Doorashadan ay u taagan illaa lix musharax oo ku kala tartamaya Xisbiga Mucaaradka ah ee USN iyo Xisbiga Aqlabiyadda Jabuuti ee UMP.

C/qaadir Muuse Maxamuud
[email protected]
Magaalada Jabuuti, Djibouti