4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
Ciidanka Somalia iyo kuwa AMISOM oo Maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Janaale


Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Ciidanka Dowladda Federaalka Somalia oo Garabsanaya Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Maanta mar kale dib ula wareegay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay ka baxeen Dabayaaqadii Sanadkii la soo dhaafay ee 2015-ka.

Wararka laga helayo deegaanka Jannaale ayaa waxay sheegay in ciidamada huwanta ah ay si nabadgalyo ah ku galeen deegaankaas, kaddib markii ay xoogaggii horay ugu sugnaa ee Al-shabaab ay isaga baxeen, markii ciidamadu ku dhawaadeen.

Sidoo kale, Illaa hadda lama soo sheegin wax iska-horimaad ah oo deegaankaas ka dhacay, iyadoo ay haatan gudaha deegaankaas ku sugan yihiin ciidamada huwanta ah ee AMISOM iyo kuwa Millateriga Soomaaliya.

Goob-joogayaal ku sugan deegaanka Jannaale ayaa warbaahinta u sheegay inay soo galeen Deegaankooda Ciidanka Huwanta ah ee Dowladda FS iyo AMISOM, ayna ku sugan yihiin bartamaha Jannaale, iyadoo Dowladda Somalia iyo AMISOM aysan weli ka hadlin dib ula Wareegidda deegaankaas.

Deegaanka Jannaale oo Qiyaastii 100-km Koonfurta kaga beegan Caasimadda Somalia ee Muqdisho ayaa Toddobadii Bilood ee lasoo dhaafay, Waxaa Gacanta ku hayay Xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Ciidankii AMISOM iyo kuwii Dowladda Somalia ee horay ugu sugnaa deegaanka Jannaale ayaa isaga soo baxay bishii September ee Sanadkii hore, kaddib markii Al-shabaab Weerar khasaare badan geystay ku qaaday saldhigga AMISOM ay ku lahayd deegaankaas oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka socda dalka Uganda.

Ugu dambeyntii, Xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay Deegaanka Jannaale, ayaan la ogeyn meel ay aadeen, iyadoo sidoo kale aysan Al-shabaab weli ka hadlin ka bixitaankeeda Jannaale iyo qabshadeeda Dowladda FS iyo AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya