4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
Dhageyso: C/raxmaan Faroole oo ku Dhawaaqay inuu yahay Murashax u Taagan Xilka Soomaaliya


Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa kasoo hor-yimid heshiiskii ay xalay wada-saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaasoo ay Goob-joog ka ahaayeen Xubno ka socda Beesha Caalamaka.

C/raxmaan Faroole ayaa xusay in Nidaamka la qaatay ee 4.5-ka ah uu yahay mid ummadda Soomaaliyeed aanan dan u ahayn, wuxuuna intaas ku daray inuu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Doorashadiisu la filayo inay dhacdo dhamaadka Sannadkaan 2016-ka.

DHAGEYSO: Hadalladii uu jeediyay Madaxweynihii hore ee Maamulka PL Faroole;

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, ayaa sababta uu xilka madaxnimo ee Somalia isugu sharraxayo ay tahay, sidii ummadda Soomaaliyeed uga saari lahaa Habka Awood-qaybsiga ee ku dhisan 4.5-ka.

Ugu dambeyn, C/raxmaan Faroole ayaa xusay in heshiiskii ka dhacay Magaalada Garoowe aysan wax faa’iido ah ugu jirin shacabka ku nool Puntland iyo Ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya