4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
Madaxweynaha SL oo Xilal Cusub u Magacaabay Mas’uuliyiin kuwo kalena shaqadii ka Fariisiyay


Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa isku-shaan-dheyn ku sameeyey qaar ka mid ah mas'uuliyiinta xukuumaddiisa, isagoo mas'uuliyiin cusub magacaabay Qaar kalena xilalkii ka qaaday.

Warkan ayaa waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed xafiiska madaxweynaha ka soo baxay oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka C/raxmaan Sheekh Cilmi Fahiye (Shamax), waxaanu u Qornayd. “Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wuxuu wareegto wareegto oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3945/042016, uu magacaabis, xilka qaadis iyo isku-bedel ku sameeyey qaybo ka mid ah Xukuumadda”.

Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday:

1. In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland. (Hore Xildhibaan Golaha Deegaanka Ceerigaabo)

2. In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (hore Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga)

Isku-beddelka Gudoomiyeyaasha Gobollada Qaar iyo Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Saaxil.

Madaxweynuhu wuxuu go’aansaday:

1. In Farxaan Xasan Cabdi, laga billaabo maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Axmed Maxamed Xaashi, laga billaabo Taariikhda Maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Maxamed Cismaan X. Axmed (Indho-balac), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida Xubinta Guddida Qandaraasyada Qaranka;

Madaxweyne Siilaanyo, Wuxuu Axmed Xaashi Cali u Magacaabay inuu Noqdo Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu xilkii ka qaaday, Dr. Maxamed Faarax Ducaale, Wasiir-u-dowlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland