4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
SAWIRRO: Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya & wafdigii uu horkacayay oo ka dhoofay Garoowe

Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Waddanka Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom ahna Guddoomiyaha Wasiirrada Arrimaha dibadda ee urur-goboleedka IGAD iyo waftigii uu hoggaaminayay oo damaanad qaaday heshiis dhex-maray Dowladda Somalia iyo Puntland, ayaa maanta ka dhoofay Garoowe.

Tedros Adhonom iyo wafdigiisa ayaa waxaa sii dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Xubno ka tirsan Xukuumadda Puntland.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa Garoowe u tagaya sidii uu u dhex-dhexaadin lahaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaasoo lagu jaan-goyyay Qaabka loosoo xulayo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidii aan Somalia dib loogu soo celiyeen Hannaankii 4.5-ka ah, wixii ka dambeeya Doorashada sannadkan 2016-ka.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa sheegay in heshiiskii xalay lagu kala saxiixday Garoowe uu ahaa mid Taariikhi ah, isla markaana Dhabbaha u xaaraya - sidii loo heli lahaa dowladnimo ka hanad-qaada Soomaaliya.

C/weli Gaas ayaa waxaan suuro-gal ahayn ku tilmaamay in Somalia mar kale ay ka dhicdo doorasho ku salaysan hannaanka 4.5-ka kaasoo xalay la jaan-gooyey in wixii ka dambeeya sannadkan aanay doorasho noocaas ah ka dhicin Somalia.

“Marna suuro-gal ma ahan in dalka dib loogu celiyo 4.5-ka, wixii ka dambeeya doorashada 2016, waxaana laga shaqeyn doonaa qaabkii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ku salaysan deegaan inta ka horraysa sannadka 2020-ka,” ayuu yiri Madaxweyne C/weli Gaas.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas  ayaa xusay in Dr. Tedros uu yahay damaanad qaadaha heshiiskii xalay lagu kala Saxiixay Garoowe, isla markaana ay Beesha Caalamka ka ahayd goob-joogayaal markhaati ka ah waxaan ku heshiinnay innaga iyo DF Soomaaliya.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya