4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
Jaaliyadda reer Hiiraan ee Toronto oo taageertay shirka dib u heshiisiinta ee Beledweyne ka furmay (Sawirro)


Isniin, April 4, 2016 (HOL) Shirar lagu taageerayay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee shalay ka furmay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Shirka ka dhacay Magaalada Toronto ayaa waxaa ka qeybgalay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada, waxaana halkaas hadallo qiimo leh oo ku aaddan taageerada shirka dib u heshiisiinta iyo qiimaha ay leedahay in ay dib u heshiiyaan dadka gobolka ka jeediyay aqoonyahanno iyo waxgarad rag iyo dumar isugu jira.

Mas’uuliyiintii shirka ka hadlay ayaa waxay hoosta ka wada xarriiqeen in dadka reer Hiiraan ay xaq u leeyihiin in loo ogolaado shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqeen beelaha Gobolka wada dega, waxayna dowladda ugu baaqeen in ay faragelinta iyo caburiska ka deyso dadka Hiiraan.

Dadkii ka munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Saciid Faarax, Cali Maxamed Xasan, Caaqil Axmed Saciid, Xildhibaan hore Axmed Cawad Xasharo, Garyaqaan Maxamed Abuukar Geytaano, Caaqil C/risaaq Xuseen Geeddi, Drs. Istanbuul Xaaji, Maryan Abiikar, Warsame Jirde iyo Fannaanadda Faadumo Cali .

Shirkan ay Jaaliyadda reer Hiiraan ku yeesheen Magaalada Toronto ayaa wuxuu yimid kaddib markii dowladda Soomaaliya ay isku dayday in ay duubabka dhaqanka gobolka ku qasabto in ay ka qeybgalaan shir maamul loogu sammeynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasi oo ay diideen Duubabka Gobolka, waxaana kaddib ay duubabka ku dhawaaqeen in ay shir dib u heshiisiin ah ka furaan Magaalada Beledweyne, waxaana shirkaas shalay ka furay  magaalada Beledweyne Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.