4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
JAWAARI: Kal-fadhiga Baarlamaanka Wuxuu Furmayaa 10-ka bishaan lagu jiro ee Abriil


Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari], ayaa sheegay in kal-fadhiga sideedaad ee Baarlamanka Soomaaliya uu furmi doono 10-ka Bishaan Abriil, 2016-ka oo maalmo naga xigaan, iyadoo kal-fadhigaan uu noqonayo kii ugu dambeeyay ee baarlamaanka.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in maalinta berri oo Taariikhda ku beegan 05-ta Abriil uu dhici doono kulankii 1-aad ee gudiyada joogtada baarlamanka, kaasoo ah mid dib  loogu eegayo qorshaha uu ku hawl-geli lahaa baarlamaanka.

Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Somalia inay soo xaadiraan furitaanka kal-fadhiga koowaad ee baarlamaanka oo dhici doona 10-ka bishaan Abriil, kaasoo uu sheegay inay hawlo badan horyaallaan.

“Xildhibaannadu waa inay kasoo qaybgalaan kal-fadhiga 8-aad ee baarlamaanka, waayo hawlo badan ayaa na horyaalla,” ayuu yiri Jawaari oo xusay in hawlaha horyaalla ay yihiin kuwo tiro badan oo u baahan in la meel-mariyo.

Dhanka kale, Guddoomiye Jawaari ayaa xusay in Xildhibaankii soo Xaadiri waaya Kal-fadhigan furitaankiisa, ay u gudbin doonaan arrintiisa guddiga anshaxa baarlamaanka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Ugu dambeyn, Kal-fadhiga sideedaad ee Baarlamaanka Somalia ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay baarlamaanka hadda jira, oo lasoo dhisay sannadkii 2012-ka, inkastoo aanay muuqan hadda sasaanka dhismaha baarlamaankii bedeli lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya