4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Sweden oo Taageertay Shirka Dib-u-heshiisiinta G/Hiiraan (Sawirro)

Isniin, 04 April 2016(HOL) Waxaa galabta (shalay galab ) lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden xaflad balaaran oo ay ka soo qeybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm. Waxaan xafladdaas soo qaban qaabiyey jaalidda reer Hiiraan ee dalka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm. Xafladdaas waxaa lagu taageerayey shirka dib-u-heshiisiinta ee maanta ka furmay magaalada Beled-Weyne ee gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya. Shirkaas oo ay ku baaqeen ayna qabteen duubabka gobolka Hiiraan.


Waxaa xafladdaas ka soo qeyb galay dad weyne aad u badan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin odayaasha, culumada, madax-dhaqameeyada, siyaasiyiinta, haweenka,  dhallinyarada, iyo aqoonyahannada ku nool magaalada Stockholm, iyo qaar kale oo ka kala yimid magaalooyinka kale ee dalka Sweden.

Waxaa shirkaasi ka hadlay dad aad u badan oo isugu jira odayaal, dumar, dhalinyaro, siyaasiyiin, madax-dhaqameedyo iyo aqoonyahanno. Waxaana sidoo kale qadka telefoonka ku soo hadlay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif isaga oo jooga magaalada Beled-Weyne, wuxuuna dadkii xafladda ka soo qeyb galay uu uga mahadceliyey taageeradooda shirka maanta furmay. Wuxuu sidoo kale Ugaas Xasan u sheegay jaaliyadda Soomaaliyeed ujeeddada shirka gobolka Hiiraan iyo in ay rabaan in shirkaasi Hiiraan kadib ay u gudbi doonaan Shir dib-u-heshiisiineey oo dhamaan Soomaalida oo  guud ahaan dalka Soomaaliya.

Gabagabadii shirka waxaa ka soo baxay war murtiyeed iyo bayaan loogu talo galay in la gaarsiiyo guud ahaan Soomaalida iyo weliba dowladda Soomaaliyeed, kaaso o ahaa:

1.      In la taageero shirka dib-u-heshiisiinta gobolka Hiiraan ee maanta ka furmay magaalada Beled-Weyne.

2.      In la taageero shir kasta oo dib-u-heshiisiineed oo ka jira ama ka furmi doona meel walba oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

3.      In dowladda Soomaaliyeed ay shacabka iyo duubabka dhaqanka ay u fududeyso shirarkooda dib-u-heshiisiinta oo ay ku doonaayaan in ay qeyb kaga qaataan dib u soo noqoshada  nabadda dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxa ay xafladdii taageerada duubabka gobolka Hiiraan ee magaalada Stockholm ku soo dhammaatay jawi aad u deggan.