4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
RW CUMAR: Heshiiskii Garoowe Wuxuu ahaa mid xal Soomaaliyeed lagu gaaray (SAWIRRO)

Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka hadlay heshiiskii xalay lagu saxiixay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoo ku dheeraaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xal maan-gal ah oo waqtigaan kala guurka ah ee dalku marayo looga gudbi karo.

Sharma’arke ayaa u mahad-celiyey Maamulka iyo Shacabka Puntland, wuxuna tilmaamay in Somalia ay ku jirto xili adag oo xasaasi ah, isla markaana loo baahan yahay in tanaasul la muujiyo. Wuxuuna xusay muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya, xiligan kala guurka ah iyo wada shaqaynta DFS iyo Puntland.

“Marka hore, waan ka mahad-celinayaa soo dhaweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay. Heshiiska aan gaarnay waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo wuxuu muhiim u yahay bud-dhigida mustaqbalka, dowladnimada, dhaqaalaha iyo horumarinta Somalia. Waana habeen taariikhi ah oo aynu asaaska u dhigayno mustaqbalka dalkeenna iyo xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri. “Dhamaan xubnaha Dowladda iyo Beesha Caalamku, waxay kaalin weyn ka qaateen inaan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.”

Ugu dambeyn, RW Sharma'arke ayaa sheegay in dowladda Federaalka Somalia ay siinayso muhiimad weyn xal u helida mushkiladaha u baahan in wax laga qabto. Wuxuna ku celiyey in sanaddan 2016 wixii ka danbeeya dalku ka gudbi doono nidaamka 4.5 oo muddo badan lagu soo gudbay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya