4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2016
Nairobi: Dallada Ururada Saxafiyiinta Qurbajoogga ah ee Soomaaliyeed ee COSEJA oo Kulan Kuqabatay Xaafada Eastleigh

Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL)-Dallada Ururada Saxafiyiinta Qurbajoogga ah ee Soomaaliyeed ee COSEJA ayaa shalay abbaare 4tii galabnimo ilaa fiidkii hore ee xalay hoolka shirarka ee weyn ee Medina Mall ee Xaafada Eastleigh ee Soomaalidu u badan tahay ee Nairobi ku qabatay kulan si heer sare ah loo soo agaasimay.

Kulankaas ayaa waxaa looga wada hadlayay dawrka saxaafadu ku leedahay dhismaha dawlada. Kulankaas ayaa waxaa soo qabanqaabisay Dalladda COSEJA oo ah mid warbaahineed.

Shirkaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay wariyeyaal badan oo caan ah, aqoonyahano iyo culimaau-diin. Waxaa kasoo qeyb galay isla markaana khudbado aad muhiim u ahaa ka jeediyay halkaa wariyaha weyn Senior Journalist Mr. Muxyadiin Axmed Rooble oo tafaaftire ka ah idaacada Ergo ee sii deysa wararka arimaha gargaarka baniaadminimo, Aadan M Warsame oo ah wariye ka hawl gala qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed isla markaana xubin ka ah mid ka mid ah ururada hoos yimaada dallada COSEJA iyo weliba Sheekh Cabduqaadir Abuhureyra oo katirsan culimaau-diinka magaalada Mombasa balse safar shaqo iminka Nairobi u jooga -dhammaan dadkaa oo ahaa marti sharaftii kulankaa, iyo masuuliyiin kale oo badan.

Magaca COSEJA ayaa waxaa laga soo gaabiyay Consortium of Somali Exiled Journalists' Associations.

Dalladan waxaa la aasaasay sanadkii tagay ee 2015 bishiisii Oktoobar. Waxaa hadda hoos yimaadda illaa toban urur oo ay ku mideysan yihiin saxafiyiin Soomaaliyeed waxayna kashaqeysaa arrimaha horumarinta weriyeyaasha ku sugan dalkan Kenya.

Fikirkan ayaa waxaa isu keenay wariyeyaal Soomaaliyeed oo  ku nool wadankan kuwaasoo la kulma dhibaatooyin kala duwan oo dhanka noolasha ah, shaqada iyo arrimo kale.

Ujeedooyinka  loo aasaasay waa dhawr arrimood oo ah in marka hore ay wariyeyaashu iska warqabaan oo xaaladooda guud iyo duruufaha gaarka ah la isla ogaado. In la helo caawimaad weriyeyaasha dhexdooda ah oo ay samaystaan sanduuq ay leeyihiin si loogu daboolo baahiyaha jira.

Hiigsiga COSEJA waa isbadal iyo dhiirrigalinta warbaahinta si ay uga qayb qaatado in uu dalka Soomaaliya ka baxo dhibaatada.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.