4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
SAWIRRO: Gobolka Maroodi-jeex oo ay Maanta ka billaabatay Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta waxaa si rasmi ah uga billowday Diiwaan-
gelinta Cod-bixiyeyaasha, iyadoo Shacabku ugu dareereen Qaadashada kaadhka codeynta.

Mas'uuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran iyo madaxweynaha ayaa iyaguna ka mid ahaa dadkii qaatay kaadhka codeynta, kuwas oo dhamaantood soo dhoweeyey bilowga magaaladda Hargeysa  ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynaha iyo Wasiiro la socday, ayaa iyaguna hoolka hay’adda shaqaalaha ka qaatay kaadhka codeynta, waxaanay madaxweynaha iyo marwadiisu buuxiyeen waraaqihii loogu talogalay in muwaadin kastaa buuxiyo si uu u dhamaystiro nidaamka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, waxanay sidaasi ku dhamaystireen shuruudihii looga baahnaa muwaadinka is diwaangelinaya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay wehlinayeen qaar ka mid ah saraakiisha sare ee xisbiga Ucid ay  iyaguna iska soo Diinwaan-galiyeen Xarunta Shaqaalaha Dawladda oo iyadu kamid ah goobaha la dhigay sanduuqa diiwaan-galinta.

Guddoomiyaha, ayaa markii uu isisoo Diinwaan-geliyay Warbaahinta kula hadlay Afaafka hore ee xarunta, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay qaadashada kaarka diiwaangelinta.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay inay diinwaan-galintu muhiimad weyn u leedahay Dhismaha Dawladnimo, isagoo ka digay Qabyaalada oo uu sheegay inay tahay wax xun oo dib u dhac keenta.

Sidoo kale, masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADANI oo uu hoggaaminayey Xog-hayaha guud ee xisbiga, Maxamed Uur-cadde oo ay wehlinayaan saraakiil ka tirsan xisbiga ayaa iyaguna kaadhadhkii codeynta ka qaatay xarunta hay’adda shaqaalaha.

Xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo uu hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad, Maxamed Kaahin ayaa iyana ka qaatay kaarka diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Hargeysa, kuwaasoo soo dhaweeyay sida habsami ah ee ay uga socoto Hargeysa.

Sidoo kale, Guddida Doorashooyinka oo kormeer soo sameeyey ayaa xusay inay si Nabad-galyo ah uga billaabtay gobolka Maroodi-jeex oo ah Gobolka ugu balaadhan Gobollada Somaliland, isla markaana dadku intoodda badan degan yihiin caasimadda Hargeysa.

Gobolka Maroodi jeex ayaa noqonaya gobolkii afraad ee ay ka bilaabanto diiwaangelinta codbixiyeyaasha,waxaana hore uga soo dhamaatay goboladda Saaxil, Togdheer iyo Awdal.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland