4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
Degmada Laascaanood oo lagu qabtay Tartan Faneed lagu Baraarujinayo Bar-baarta (Sawirro)

Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Tartan faneed ay soo qaban-qaabisay akadimiyada Nabada iyo Horumarka ee Xarunteedu tahay Magaalada Hargeysa - oo kaashanaysay Akademiyada Dhaqanka ee Cakaara ee xarunteedu tahay Laascaanood, ayaa waxaa ay u Qaybsanayd sida uu sheegay, Abwaan Cismaan Ibraahin Warsame [Hurre Walan-waal] oo ka mid Suugaanta oo dhillinyaradda ah iyo cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Tartan faneedkan oo ay ka qayb-qaateen saddex kooxood oo Hiddaha iyo Dhaqanka ah iyo 19 ku tartamayay dhinaca suugaanta oo mid ka mid ah ay ahayd gabar, halka inta kalena ay ahaayeen Wiilal u badan ardayda wax ka barta Dugsiyada Laascaanood.

Sidoo kale, Tartamadan oo ahaa mid si aad ah loo soo Agaasimey ayna kasoo qayb-galeen dhallinyaro badan ayaa ugu dambayntii waxaa halkaas lagu soo gaba-gabeeyay Qiimeyntii oo ay qaadayeen saddex xubnood oo ka kala socday labadaan Akadeemiyo.

Abwaan Hurre Walanwaal, oo Natiijadii halkaasi ka sheegay ayaa wuxuu ku dhawaaqay in kaalinta 1-aad ay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ku guulaysatey Kooxda Rug-san, halka ay suugaanta gabayada kaalinta koowaad ku guulaystay , C/raxmaan Axmed Xasan (Awtaad), kaasoo horreyna Magaalada Muqdisho tartan da'yarta loogu qabtay kaalinta 1-aad ka galay, halka kaalinta labaad ay ku guulaysatay Xaliimo Xasan Xuseen, iyadoo kaalinta saddexaad aan illaa hadda lagu dhawaaqin markii laba wiil ay isku dhibco noqdeen.


Waxaa isagana goobta hadal dheer kasoo jeediyay guddoomiyaha Akadeemiyada dhaqanka ee Cakaara Maanmaal Buureed Gurxan oo sheegay in tartankan uu yahay mid muhiim u ah tayaynta Afkeenna iyo Maan-dhiska da'yarta soo koraysa.

"Akideemiyada Cakaara waxay mudadii ay jirtey qabatay hawlo badan oo ay ka mid yihiin Bandhig suugaaneed, Bugaag aan qoray iyo qaar hadala wado daabacadooda oo ku saabsan Afka, Dhaqanka, Xiddigiska, Dhirta iyo suugaanta," sidaana waxaa yiri Maanmaal oo intaa raaciyay in tartan kan ka dambeeya lagu qaban doono Hargeysa uu rajeynayo inay guulu kasoo hoyn doonaan.

Ugu dambeyntii, Tartankan oo ahaa kii ugu ballaarnaa noociisa ee lagu qabto Laascaanood ayaa hadal-haynta dadka uu tibaaxayaa in hadii lasii wado uu qayb ka noqon karo jahaynta barbaarta badaha ku la’anaysa, waxaana si aad ah loo siinayaa libinteeda Akideemiyadda Cakaara oo haatan Sanad jirsi kusii dhaw.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]  
Laascaanood Gobolka Sool