4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
RW Somalia oo Maanta Baarlamaanka Somalia u Sharraxay Hannaanka Doorashada (SAWIRRO)

Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta hor-geeyay Baarlamaanka Federaalka Somalia Hannaanka Geeddi-Socodka Doorashada Soomaaliya ka dhici doona daba-yaaqada Sannadkan 2016.

Sharma’arke oo khudbad uu ka jeediyay kulanka baarlamaanka, sharaxaad dheeraad ah uga bixiyay hannaankan doorasho ee ay xukuumaddu soo gudbisay, isagoo xusay in hannaanka Wada-tashi guud ay ka sameeyeen dawladda Somalia iyo Maamul-goboleedyada isagoo ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka inay Meel-mariyaan hannaankan si ay u qabsoonto doorashadu waqtigii loogu talo-galay.

“Waxaan ka codsanayaa baarlamaanka, iyagoo eegaya duruufaha ka jira Somalia, wakhtiga oo gabaabsi ah iyo hawsha baaxadda leh ee dhiman inaad Ansixisaan Hannaanka Doorasho ee lagu keenay wada-xaajood siyaasadeed oo ku saleysnaa go’aan Wadajir ah oo Dawladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah qaateen,” ayuu Sharma’arke yiri.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa intaa kaddib ka codsaday xildhibaannada inay soo akhiyaan qorshahan, Isniinta soo socotana halkaas laga sii amba-qaadi doono go’aanka ka gaarista Qorshaha guud ee Hannaanka Doorashooyinka Dalka.

Ugu dambeyntii, Hannaanka doorasho ee dalka oo la qorsheeyay inuu noqdo mid ku dhisan 4.5-ka, iyadoo ay isku raaceen Dhammaan Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya