4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
Taliyaha Booliiska PL oo beeniyay in Gaari laga dhacay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Jen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-gaduud) oo Maanta shir jaraa'id ku qabtey Garoowe, ayaa beeniyay in la dhacay gaari uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Jeneraal Af-guduud ayaa ku sheegay gaariga la dhacay in ahaa mid ka mid ah labo gaari oo dhawaan ay hay'adda OIM ay siisay ciimadda booliiska Puntland. Isagoo intaas ku daray in Taliska Somaliland oo garigaan Gacanta ku dhigay ayaa dib ugu so celiyay Puntland kadib Wadda Hadal Dhex-maray Labadda Talis ee Puntland iyo Somaliland.

DHAGEYSO: Codka Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland, Jeneraal Af-guduud;

Sidoo kale, Darawalkii Gaariga dhacay ayuu sheegay Taliyhu in ay Ganacta weli ugu jiro Somaliland oo isagoo baxsad ah uu u galay, dhawaanna Puntland lagu soo wareejin doono.

Wararka la xiirar in la dhacay gaari u lahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Cameey ayaa dhawaan waxaa baahiyay warbaahinta qaarkood.

Ugu dambeyn, Taliyaha Booliiska Puntland - ayaa sheegay in Puntaland iyo Somaliland ay billow fiican oo wadashaqayna u tahay so celinta gaaringan, ay leeyihiin ciidanka booliiska Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya