4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Maanta la Wareegay Deegaanka Booco ee Gobolka Hiiraan


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Deegaanka Booco oo qiyaastii 55-km dhinaca Koonfureed uga beegan magaalada Beledweyne ayaa waxaa subaxnimadii hore ee saakay la Wareegay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gacan militari ka helaya AMISOM.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidammada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM weerar ku qaadeen shaldhig ay halkaa ku lahaayeen Al-shabaab, ugu danbeyntiina waxaa u suurtagashay ciidammada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya in ay gudaha u gallaan deegaanka.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha weerarka  ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku qaadeen saldhigyada Al-shabaab, waxaana wararku intaa ku darrayaan in dadkii rayidka ahaa u firsaxdeen deegaannada ka durugsan halka lagu dagaallamay.

Sidoo kale, Ciidanka is-garabsaya ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen Deegaannada ku teedsan wadadda laamiga ah ee ku hareereysan deegaanka Booco.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaysan illaa hadda ka hadlin Saraakiisha ciidammada iyo mas'uuliyiinta maamulka intaba.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya