4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
SAWIRRO: Guri ku dumay Xaafad ka mid ah kuwa Nairobi oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku geeriyooday markii guri dabaq ah uu kusoo dumay xalay Xaafadda Huruma ku taalla Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo ay u badan yihiin dadka saboolka ah, sida ay sheegeen Booliiska Nairobi

Shaqaalaha Gargaarka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ay ku Raadinayaan Dad weli la aamisan yahay inay guriga dabaqa ah ee dumay weli ku hoos jiraan. Iyadoo kaloo agagaarka halka uu gurigaas ku dumay laga raray 120 qof.

Roob xoogan ah oo fatahaad sameeyayay ayaa shalay galab illaa xalay ka da’ay Magaalada Nairob, taasoo la sheegay inay sabab u ahaayeen dumitaanka gurigaan. Waxaana hay’adda bisha Cas ee Kenya ay sheegtay in gurigan dumay la dhisay laba sano ka hor uu hoy la’aan dhigay 150-qoys.

Sidoo kale, Tiro dhaawacyo ah ayaa la dhigay Isbitaallada Nairobi, sida warbaahinta ay u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda laanqeynta cas ee Kenya, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo qaba dhaawacyo culus.

Ugu dambeyn, ciidammo badan oo Kenyaan ah iyo shaqaalaha gurmadka ayaa ku sugan weli goobta uu gurigan kusoo dumay, iyadoo marar hore ay sidan oo kale u dhacday inay guryo kusoo dumaan Nairobi ayna khasaare geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya