4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2016
Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways oo joojisay duulimaadyo, gadood ay duuliyeyaasha shirkadaasi sameeyeen awgiis

 

 

 

 

Sebti, Abriil 30, 2016 (HOL)-Maamulka shirkadda diyaaradaha  ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqay in ay baajiyeen duulimaadyo fara badan oo ay diyaaradda ku tagi lahayd meelo kala duwan oo qaarada Afrika ah iyo meelo ka baxsan.

 

Waxaa la kansalay in ka badan 10 duulimaad oo muhiim ahaa, taasoo saameyn ba’an ku yeelatay howlgalladii shirkadda diyaaradaha ugu weyn Kenya.

 

War saxaafadeed ay Khamiistii soo saareen masuuliyiinta shirkadda ayey macaamiishooda ku war galiyeen mushkilado soo food saaray tan iyo aroornimadii hore ee Khamiistii.

 

Arrintaan ayaa ka dambeysay markii ay Khamiistii duuliyeyaasha shirkadaasi ka dhabeeyeen hanjabaad shaqa joojinta ahayd ee ay horay ugu goodiyeen.

 

Ururka ay ku bahoobeen duuliyeyaasha ayaa talaadadii mudo 48 saacadood ah u qabtay maamulka shirkadda KQ ama Kenya Airways in ay fuliyaan dalab ay ku doonayeen in uu xilka iska casilo madaxa fulinta ee shrkaddaasi.

 

Duuliyeyaasha ayaa hanjabaadoodii ku dhaqaaqay iyagoo ku gacan seyray amar ay maxkamad ku mamnuucday in ay gadood shaqo joojin ah sameeyaan.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Nairobi, Kenya.