4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
Maxkamadda Sare ee Ciidanka Somalia oo dil ku xukuntay dad loo haysto Qaraxyadii Baydhaba


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Muddooyinkii dambe Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Somalia ayaa ku guda jirtay dhageysiga dacwad la xiriirta eedeysanayaal loo haystay Qaraxyadii ka dhacay degmada Baydhabo 28-kii Bishii February, ayaa saakay xukun ku riday dadkii loo haystay arimahaasi.

Dadka saakay maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida ay xukuntay ayaa Afar ka mid ah waxa ay yihiin rag loo haystay soo abaabulida Qaraxyadii ka dhacay Baydhabo ee dadka badan ay ku dhinteen, halka ruuxa kalena uu yahay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo qof shacab ah dilay.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow, ayaa ku dhawaaqay in Afarta ruux ee loo haysto Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo 28-kii Bishii February, afartoodaba lagu xukumay dil toogasho ah.

Afarta Nin ee la xukumay ayay Magacyadooda kala yihiin; Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), Cabdul-ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed, iyadoo uu jiro ruux Shanaad oo ka maqan gacanta Maxkamada, kaasi oo isagana dil toogasho ah maxkamada ay ku xukuntay.

Sidoo kale Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday C/qaadir Cali Maxamed oo loo haysto inuu wax ka ogaa Abaabulka Qaraxyadaasi, maadaama uu ku sugnaa Garaashkii lagu soo diyaariyay Qaraxyada, waxaana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.

Dadkaan ayaa xukunka maanta lagu riday waxa uu ka dambeeyay, kadib markii ay racfaan horay uga qaateen Xukun ay ku riday maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida.

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale dil ku xukuntay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo qof shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn, Xukunnadan ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow oo Baydhabo ku sugan.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya