4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
Tahriibiyaal ay doon kula Qallibantay Biyaha u dhexeeya Waddamada Yemen iyo Soomaaliya


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 92 qof oo tahriibayaal ah isuguna jira Somalia iyo Itoobiyaan, ayaa laga badbaadiyay Badda u dhaxeyso Soomaaliya iyo Yemen xilli ay qalibantay doontii ay saarnaayeen oo muddo shan cisho ah dul-sabaynaysay biyaha, waxaa laga soo badbaadiyay Dekedda degmada Boosaaso sida ay saraakiisha Amniga Puntland ay Sheegeen.

Waxaa la xaqiijiyey in dadkaasi oo u badan Ethiopian uu soo bad baadiyay markab Laga leeyahay dalka  Jamal ,ka tirsan kuwa isbahaysiga NATO ee ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad badeeda.

Dadkan tahriibayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa 7 qof oo Soomaali ah oo ay ku jirto haweeney uur leh iyadoo 85 kale ay u dhasheen dalka Itoobiya waxa ay doonayeen in socdaal sharci daro ah ay ku galaan Dalka Yemen.

Dadka soomaalida waxaa ku jiray afar qof oo ka mid ahaa dadkii tahriibinayay inta kale waxaa  guud ahaan dadkan lagu wareejiyay ciidamadda amaanka puntland Duqa Magaaladda Boosaaso Yaasiin Mire kula hadlay warbaahinta magaaladda boosaaso ayaa sheegay in laamanaha amaanka ay ku wareejiyeen dadkaasi iyo intii tahriibineysay.

Dadka u dhashay dalka Ethiopia ayaa ka tahriiba xeebaha Puntland, iyadoo ciidamada amaanka Puntland marar badan ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan tahriibayaal badan oo doonayey in ay ka baxaan magaalada Boosaaso, kuwaas oo isugu jiray Soomaali iyo Ethiopian.

Ugu dambeyntii, Tani waxa ay imaaneysaa xili tahriibayaal ay ku jiraan soomaaliya aanan tiro yareen ay ku dhinteen xeebaha u dhaxeeyo Talyaaniga iyo Liibiya taasi oo muddooyinkii ugu danbeeyay la hadal haayay.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya