4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2016
C/WELI GAAS: " 4.5 ma saxiixin ee waxaan saxiixnay qaabkii looga gudbi lahaa"
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay  Markii ay dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya kala saxiixdeen heshiiska ku saabsan in aan dalka dib loogu celin hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 isla markaana  heshiiskaasi uu dammaanad ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Dr. Tedros Adhanom ayuu Madaxweynaha Dawladda Puntland Khudbad taariikhi ah ka jeediyey gobtii uu heshiisku ka dhacay oo ahayd Xarunta wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in aanay saxeexin 4.5 balse ay saxiixeen inaa dalka dib loogu celin hannaanka 4.5 wixii ka dabeeya 2016-ka, sidoo kale sababta ay Puntland hore ugu saxiixi weydey 4.5 ayuu ku micneeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland in ay doonayeen in ay ahayd sidii aan mar dambe dalka dib loogu celin lahaynhannaanka 4.5 isla markaana looga gaadhi lahaa heshiis taariikhi ah oo dammaanad leh, taasina ay ahayd sababta ay xilligan soo gaadhsiisey.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu maanta ku sheegay in uu Puntland ugu hambalyaynayo qaadashada 4.5 uu ahaa ahaa qorshe looga hor degeyo heshiiska si loo  fashiliyo heshiiska u dhexeeya Puntland iyo Federaalka isla markaana uu aad uga xun yahay.

“waxaan aad uga xumahay in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ka-hordego maanta heshiiskii Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka, waxaana u arkaa runtii in si ulakac ah larabey heshiiska in loo fashiliyo, heshiis kaas oo dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo Beesha caalamkuba ya waqti badan gelisey.

"Waxaana isleeyahay hab-dhaqanka noocaas ahi waa waxa keenay in saddexdii sanno iyo barkii u dambeeyey Soomaaliya ay gaari weydo wax horumar ah” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi
Hiiraan Online Gaalkacyo