4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2016
AKHRISO: Dowladda Federaalka iyo Puntland oo caawa hishiis rasmi ah ku kala saxiixday Garowe


Axad, Abriil 03, 2016 (HOL) — Xukuumadda federaalka Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa Caawa heshiis Rasmi ah ku kala Saxiixday Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, kaasoo ay qayb ka tahay inay Puntland ogolaatay in Doorashada dhammaadka Sanadkan ka dhici doonta Soomaaliya lagu saleeyo nidaamka 4.5-ka oo ay horay u diidday.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Dowladda Federaalka Somalia u Saxiixay Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Halka uu Puntland u Saxiixay Madaxweyne C/weli Maxamed Cali [Gaas].

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goob-joogayaal ka ahaa xubno ka socday Beesha Calaamka oo ay ka mid yihiin; Ergayga Qaramada Midoobey ee Somalia, Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Wakiilka IGAD ee Somalia, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya.

Qodobbada heshiiskan ayaa waxaa ka mid ahaa; In Nidaamka Doorashada Sannadka 2016-ka dhacaysa lagu saleeyo Nidaamka 4.5-ka. Inaan doorashada dhici doonta sannadka 2020-ka lagu saleyn nidaamkan beelaha ku dhisan iyo kuwo kale ka.

Haddaba; Hoos ka AKHRISO Qodobbada Heshiiska Caawa lagu Saxiixay Garoowe:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya