4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2016
Dhaqaale ay Dowladda Somalia ugu Yaboohday Abaaraha Somaliland oo la Gaarsiiyay Hargeysa


Axad, Abriil 03, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa maanta Hal Milyan oo doollar ugu yaboohday Somaliland, si loogu caawiyo shacabka ay saameynta xooggan ku yeesheen Abaaraha ka taagan gobollada ka tirsan Somaliland.

Deeqdan lacageed ayaa la gaarsiiyay isla maanta Magaalada Hargeysa, Waxaana Garoonka diyaaradaha ee Cigaal xubno ka tisran Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo bogaadiyay deeqdaan ay ku yaboohday DFS.

Sidoo kale, Dhaqaalahan loogu yaboohay Abaaraha Somaliland ayaa la sheegay in laga soo ururiyay Mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Somalia, iyadoo tani ay noqonayso midii ugu horreysay oo xukuumadda federaalka Somalia ay u dirto Somaliland, tan iyo markii ay abaaruhu dillaaceen.

RW ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo Garoonka Muqdisho kula kulmay xubnaha guddiga gurmadha Abaaraha Somalia oo wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay ka mid ahaayeen, ayaa sheegay in dhaqaalahaan oo horudhac ah uu kaalin weyn ka qaadan doono yareynta baaxada leh ee abaaraha ka taagan Gobollo ka tirsan kuwa Somaliland.

“Waa lacag hordhac ah oo aanu ugu talo-galnay in aan gaarsiino shacabka ay ku yeesheen saameynta abaaraha ku dhuftay deegaanno ka tirsan Somaliland, oo ay ka jiraan biyo yari iyo Cunno la’aan. Waxaana dhaqaalahaan iska soo ururiyay Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Carte.

Carte ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay tahay mid ALLE ay ugu dhawaanayaan, isla markaana lagu badbaadinayo dadka ay biyo la’aanta iyo cunno la’aantu isku biirsadeen.

Dhanka kale, Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland, Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed oo soo dhaweynta Guddiga dhaqaalahaan deeqda ah waday hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tallaabadan ay ka marag-kacayso in dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ay ka damqadeen saameynta abaaraha Somaliland.

Gurmadkan lacageed ee ay dowladda federaalka Somalia ayaa waxaa sidoo kale ka mahad-celiyay, Maxamed Shukri Jaamac iyo Sh. Xasan C/salaan oo labaduba ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha Somaliland ayaa sheegay inay deeqdaani tahay mid ay si diirran u soo dhaweynayaan, isla markaana ay ka mahad-celinayaan.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo isna Goobta ka hadlay ayaa yiri. “Sidaad la socotaan waxaan nahay guddi kasoo ambabaxay Muqdisho oo isugu jira qaybaha bulshada, waxaana ka mahad-celinaynaa sida naloogu soo dhaweeyay, Waxaanan ka damqannahay dhibaatada abaaruhu ay sababeen, inkastoo xilligii loo baahnaa aan kasoo dib dhacnay, haddana waanu nimid. Gurmadkaanna ma ahan kii ugu horreeyay oo aan idin soo gaarsiinno, laakiinse waa dhiig-joojin, kuwo kalena way idiin iman doonaan haddii ALLE yiraah.”

Waxaa isaguna goobta ka hadlay Guddoomiyaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo sheegay inay waajib Islaami ah tahay in aanu idiin soo gurmanno oo aan idiin imaanno, sidii aad idin-kuba noogu Timaadeen. Wuxuuna intaas ku daray in la yahay dad walaalo ah oo in la isku soo gurmado ay tahay waajib.

Ugu dambeyn, Deeqdan lacageed ayaa kusoo beegmaysa iyadoo deegaanno Somaliland ka Tirsan ay Abaaruhu saameyn Xooggan ku yeesheen, sidoo kalena ay sameeyeen Dadka iyo duunyaba saameeyeen, inkastoo haatan ay roobab ka curteen qaybo ka mid ah goboladii ay abaaruhu ku dhufteen ee Somaliland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya