4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2016
Khilaafkii Xisbiga UCID oo Xoogeystay iyo Faysal oo sheegay in ku xigeenkiisa uu Xilkii ka Qaaday


Axad, Abriil 03, 2016 (HOL) — Khilaafkii Xisbiga UCID soo dhex-galay, ayaa cirka isku sii shareeray, waxaanay u Qaybsameen garabyo kala taageersan musharaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabbe, ayaa sheegay inuu xilkii uu Xisbiga ka hayay ka qaaday guddoomiye ku xigeenkiisa, Cali Gurey isagoo xilkaasna u magacabay Maxamed Cali Muuse (Maxamed Jiir).

Sidoo kale, wuxuu guddoomiyuhu xilkii ka qaady Xoghayihii Xuquuqul insaanka Xuseen Xasan Badmaax, Siciid Aamin Guddoomiyihii Qaaradda Yurub, C/qaadir Cukaash, Xiriiri-yaha Saxaafadda UK.

Xubnahan uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe xilka ka qaaday ayaa timid kadib markii ay la safteen musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo si weyn isku hayaan Faysal Cali Waraabe.

Balse, xil ka qaadistaasi uu gudomiye Faysal ku sameeyey ku xigeenkiisa Cali Gurey waxa waxba kama jiraan ku tilmaamay musharxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo sheegay in gole  oo dhan yahay lagu doortay Cali gurey, balse aanu isagu magacaabin.

“Faysal Cali Waraabe ma eryi karo guddoomiye ku-xigeen Shir Gole Dhexe lagu doortay, isagana dhowaan xilka laga qaadi doonnaa oo maxkamada la tiigsan doonaa, xisbiga UCID waxa la doonayaa in loo sadqeeyo xisbiga kulmiye oo Muuse Biixi dabada ka waddo”ayuu yidhi Jamaaal Cali Xuseen oo qoraal ka soo saaray xilka ka qaadista guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Cali Gurey.

Isagoo intaas ku daray. “Waxaan ku wargelinayaa dhamaan taageerayaasha Xisbiga UCID, iyo dhamaan inta nabadda jecel, inta Dimuqraadiyadda jecel, iyo inta cadaalada jecel in la doonayo in UCID si waali ah loo jaah-wareeriyo oo la bur-buriyo, iyadoo la Adeegsanayo Faysal Cali Waraabe. Waxaad ogaataan Faysal xisbigga shakhsi buu ka yahay, waxaanu u biyeystay in uu dabadda geliyo xisbigga Kulmiye.

Waraaqahaas & hadalladaas uu Faysal sida Jah-wareerka ah u soo qorayo ee uu u soo ban-dhigaayo Warbaahinta waxaa looga soo laqimay Xafiiska Xisbiga Kulmiye. Waraaqahaasi iyo ereyadaasi uu ku leeyahay cid baan eryay iyo cid baan magacaabay kulligoodba waxay baal-marsan yihiin Shuruucdda Xisbiga UCID, Awood u ogolna ma jirto. Wixiisu waa naf la caarid, cay, aflagaado, iyo xil ka qaadis.”

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee UCID, Cali Gurey ayaa sheegay in aanu jirin awood uu Inj. Faysal Cali Waraabe xilka igaga qaadi karo, balse ay ku kala bixi karaan oo xaga sharciga.

Cali Gurey ayaa xusay in xisbiga UCID la doonayo in laga dhigo xisbi muxaafad ah, isla markaana dad kale ka dambeeyaan inuu burburo, waxaanu baaq u direy dadka ka naxaya xisbiga inay badbaadiyaan.

“Aniga hadii uu jiroba xil uu ii magacaabay wuu iga qaadi karaa raalina waan ku ahay balse waxan cadaynayaa in aanu jirin haba yaraato eh xil uu gudoomiyuhu ii magacaabay oo aan u hayo Xisbiga UCID. Xilka aan u hayo xisbiga waxa la iigu doortay Kalfhadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo cod buuxa ku ansixiyay sida ku cad go'aamadii ka soo baxay Kalfadhigaasi isaguna xaq uma laha inUu iga qaadi karo hadiise uu ka ansixiyo golaha dhexe waa sax waana u hogaasami doonaa,” ayuu ku dooday gudoomiye ku xigeenka 3aad UCID Cali Gurey.

Waxaanu intaas ku daray “Faysal xalka dhibaatada UCID qayb kama noqon karo waayo isaga ayaaba dhibaatada lafteeda ah dhibaato kaloo UCID haysta oo isaga aan ahaynina ma jirto. Markaa dagaalka siyaasiga ah ee UCID waa in UCID la waayo iyo in Faysal la waayo wax ka dhexeeya oo kale anigu ma garanayo. Markaa aan sugno dhamaadka. Hadii ay ta xunba noqoto oo UCID la waayo anigu waxaan noqon doonaa qofka ugu khasaaraha yar waayo dan shakhsi ah oon waayayaa ma jirto balse waxan la qaybsan doona khasaaraha UCID intii xisbiga ah oo dhan. Kuwii iiga badsaday UCID hawlihiisa ee 14-ka sanadood ku xoog iyo xiniinyo beelayna waan ka tacsiyayn doonaa. Kolkaa xil waxba ma sheegayo eh waxan bahwaynta UCID ugu baaqayaa inay u midoobaan badbaadinta xisbigooda qaaliga ah si ay u gaadhi karaan higsigoodii UCIDna ugu simaan in uu noqdo xisbul xaakim.”

Laakiin, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isagu ku dooday inuu isagu markii horaba ka dhigay gudoomiye ku xigeen, isla markaana uu awood u leeyahay inuu eryo.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa xusay in ku xigeenkiisa Cali Gurey uu la kala saftay laba musharax oo xisbiga KULMIYE ka dhex tartamayey kuwaas oo kala ahaa  wasiirkii hore arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yooonis iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, balse markii uu Muuse Biixi soo baxay uu bilaabay inuu aflagaadeeyo Muuse biixi.

“Cali Gurey markuu Maxamed Biixi uu haray ee uu Muuse Biixi soo baxay ayuu bilaabay cay iyo xagxagasho, waxaanu isagoo magaca xisbiga huwan xilli walba caayey musharaxii kale Muuse Biixi, marka may ahayn in laba nin oo ilmaadeeradi ah u kala hiiliyo, haddii uu hanyeeshay Muuse waxay ahayd inuu isaguna han yeesho, Cali Gurey xisbiga hal qof muu keenin oo deegaankiisa ah” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba ha ahaatee, labadda garab ee loo kala jabay ayaa adag tahay sidii la iskugu keeni lahaa, waxaanu guddoomiyaha Xisbiga ku dooday in Shuruucda Xisbiga lagu kala baxayo, halka garabka Jamaal Cali Xuseena ku doodayaan inay maxkamad la tiigsanayaan Faysal.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland