4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2016
Kulan Dhex-maray Madaxweyne DF iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar (SAWIRRO)

Axad, Abriil 03, 2016 (HOL) — Muqdisho ayaa waxaa maanta ku kulmay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, isla markaana u qaabilsan arrimaha Afrika Maxamed Idris.

Intii uu kulanku socday ayuu Madaxweyne Xasan ka mahad-celiyay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada waddan ee Masar iyo Somalia iyo sida ay labada dhinacba diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirkooda.

Labada wadan ayaa waxay iska-kaashan doonaan dhinacyada Caafimaadka, waxbarashada, beeraha, ganacsiga, amniga iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Waddanka Masar ee arrimaha Afrika, Maxamed Idris ayaa sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kuklankan waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Cali Kadiye, Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan iyo Mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka kala socoday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya