4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2016
Madaxweynaha: Puntland Ogolaashaha Habka 4.5-ka Waan ku Bogaadinayaa balse Qodobada...


Axad, Abriil 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta bogaadiyay Dadaalka dheer ee Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo maamulka Puntland ay u galeen horumarinta danta Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay inuu si diirran u soo dhaweynayo aqbalidda Puntland ay aqbashay qaabka doorashooyinka ee dalka dhici doonta 2016-ka iyo wixii ka dambeeya, kaasoo ah Nidaamka 4.5-ka, oo horay loogu heshiiyay, inkastoo ay Puntland horay uga soo horjeesatay.

Sidoo kale, Qabyo-qoraalka heshiiska laga wada-hadlay, waa dadaal dheeri ah, waxaana ku jira qodobbo aad muhiim u ah, oo ay habboon tahay in looga wada-hadlo loogana heshiiyo arrimaha jira sida tan hogaamiyayaasha qaran NLF ee dhawaan dhici doonta iyo hay’adaha dastuuriga.

“Waxaan u mahad-celinayaa beesha caalamka, shacabka, waxgaradka iyo ururada bulshada Dadaallada ay mar walba la garab-taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo maanta war-saxaafadeed soo saaray.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka iyo dibadda iyo Beesha Caalamka inay u gar-gaaraan dadka ay saameysay abaaraha ka jira Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya